Ciidamada Puntland oo gaaray meel ay ka weerari karaan degmada Qandala

0
343

QANDALA – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Puntland ay kusii dhawaanayaan magaalada Qandala taasoo bishii October ay qabsadeen maleeshiyaadka ururka Daacish taabacsan.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in exilian gaareen meel ay ka weerari karaan maleeshiyaadka mintidka ah ee degaanka Qandala haysta.

Yoonis Cabdiraxmaan oo kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay VOA in uu arkay ciidamo badan oo ka socda Puntland kuwaasoo duulaan ku ah maleeshiyaadka Daacish.