Ciidanka Amaanka Oo Xoog Ku Kala Kaxeeyey Dhalinyaro Buuq Ka Samaysay Dibada Garoonka Ciyaaraha Ee Boorama Iyo Wiil Ku Geeriyooday

0
328

Ciidanka Amaanka Oo Xoog Ku Kala Kaxeeyey Dhalinyaro Buuq Ka Samaysay Dibada Garoonka Ciyaaraha Ee Boorama Iyo Wiil Ku Geeriyooday.

Boorame(Warsugannews):- xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxay maanta ciyaar aad u xiiso badani ku dhex martay gobolada Gabilay iyo Salal.

Ka dib markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa dibada garoonka waxa buuq ka sameeyey qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada, taas oo keentay inay ciidamada amaanku xoog u adeegsadaan si ay u kala kaxeeyaan.

Sida aanu wararka ku hayno ciidanka ayaa rasaas u adeegsaday ka kaxaynta dhalinyarada buuqa samaynayey taas oo keentay inuu geeriyoodo mid ka mid ah dhalinyaradaasi.

Jawiga magaalada ayuu wariyuhu soo sheegayaa inay dagan tahay iyada oo ciidamada amaanku ay si weyn u ilaalinayaan amaanka guud ee magaalada, iyada oo ciyaartii dhex maraysay gobolada Gabilay iyo Salal-na ay ku soo

dhamaatay bar bar dhac goolal la,aan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here