Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Shan Ka Mid ah Kooxdii Weerartay Guriga Badhasaabka Awdal

0
431

Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Shan Ka Mid ah Kooxdii Weerartay Guriga Badhasaabka Awdal

Hargeysa(warsugannews)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa galabta gacanta ku dhigay shan nin oo dabley ah oo ka mid ahayd kooxdii Suldaanka Fallaagoobay ee Wabar ee xalay weerarka labada askari ku dhinteen, labada kalena ku dhaawacmeen ku qaaday Gurriga badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ka warramay hawl-galkan.

“Ciidanka Boolisku markii falkaasi dhacay waxa uu galay hawl-gal balaadhan, iyadoo aanu dirnay ciidan xoojin ah, waxa aanu helnay xog dhab ah raggii xalay soo weeraray ee askarta laayaay goob ay ku sugan yihiin. ciidanka Boolisku iyagoo fulinaya sharciga iyo nabad-gelyadda ay dalka uga masuulka yihiin, waxay kooxdaasi ugu tagteen goobtii ay ragaasi ku sugnaayeen waxaana ciidanka booliska dhex maray dagaal. dagaalkaasi ka dib waxay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen. shan xubnood oo mid ka mid ahi dhaawac yahay, laguna qabtay qori M16 ah iyo 26 xabo oo rasaas ah,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.

Siday faafisay shabakadda Gudgudenews, oo aanu warkan ka soo xiganay, Taliyaha Boolisku waxa uu ammaan u soo jeediyay saraakiishii iyo ciidankii hawl-galkan ku guulaystay, waxaanu yidhi “Isagoo ninkaasi dagaalamaya ayaa gacanta lagu dhigay, waxaanu qiraal ku bixiyay inuu ka mid yahay raggii weerarka geystay. ILAAHAY ayaa mahad leh, Arrintani waa guul ciidanka Booliska Somaliladn u soo hoyatay, waxaanan ammaan u soo jeedinayaa ciidankii hawl-galkan fuliyay gaar ahaan ciidankii hawlgalkaasi fuliyay sida saraakiisha, saraakiil ku xigeenka, alifleyda iyo dableyda ayaad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa waxaanan leeyahay waa naftood hureyaal iyo dal-jireyaal.”

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa kale oo uu sheegay in isla falkan ay Boolisku u soo xidheen maanta 26 qof, kuwaasi oo baadhis lagu wado lagu kala saari doono, waxaanu xusay in ay ku eedaysan yihiin inay falkan ku lug lahaayeen oo ay abaabulayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here