Hadimada iyo Hagardaamada Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Cumar Cabdillaahi Aadan

0
491

Hadimada iyo Hagardaamada Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Cumar Cabdillaahi Aadan

Tan iyo markii la magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan-garow waxa soo badanaya cabashada laga sheegayo hab-dhaqankiisa. Dhaliilaha loo jeediyo waxa ka mid ah in aanu ahayn nin awoooddiisa ogsoon, una haysta in uu magacaabay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi. Dhanka kale waxa lagu eedeeyaa in uu dhul badan oo tolkii la qarameeyay isaga oo aan lacag iyo jagooyin midna siinnin dadkii uu xoogga kaga qaaday.

Cabdixakiin Cabdillaahi oo ka mid ah dadka dhulka lag qaaday arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Agaasimuhu waxa uu ka dambeeyay in xoog lagula wareego dhul badan oo ay lahaayeen dad shacab ahi, kuwaas oo xaqoodii la duudsiyay isla markaana aan loo celin lacagtii ay lahaayeen. Baloodho aanu anagu lahayn ayuu ku wareejiyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida. Kolkii aanu la garnaqsannayna wuxuu noo sheegay in uu go’aankaas isagu gaadhay sidaasna aanu kaga hadhno”

Waxa mooddaa in loo magacaabay cabudhinta beesha uu ka soo jeedo. Bishii Maarj, 2015ka ayay dhallinyarada Qalinka Daauud soo saareen bayaan ay xukuumadda kalsoonida kala laabteen, judhiiba wuxuu duullaan ku qaaday shaqooyinka ay hayaan, isaga oo ka dacweeyay wasaarado, haayado iyo meelo kale.. Laakiin taasi ma suurtogelin.

Xuseen Xasan Yuusuf-Cadde oo ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Duulista isla markaana sharci-darro lagu eryay ayaa yidhi “Markii la i eryay ayaan dacwad u gudbiyay Agaasimaha Guud. Kaddibna wuxuu igu yidhi go’aanka wasiirka kama tallaabsan karo anigu, fadlan soo kaxayso Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland. Annaga oo Suldaan Maxamed Cabdiqaaddir wada soconana ayay Cumar-sayid iyo Maareeyaha Madaarku na arkeen. Judhiiba wax aan jirin ayay ku akhriyeen, waanu laabtay Suldaanki isaga oo wasiirkaba gaadhin”

Marka la eego kartidiisa xagga qorista shaqaalaha, waxa uu daba-fadhiistaa beesha Talada haysa. Cabdi Maxamed Xasan oo ka mid ahaa rag u shaqo tegay wasaaradda Duulista ayaa yidhi “Cumar-sayid isku fasal ayaanu ahayn Maxamuud Axmed Cali 1999-2003. Maalin aanu is-aragnay ayaan shaqo ka codsaday waxaanan u geeyay CV. Waan ku noqday isaga oo shaan-dhaynaya codsiyada shaqada. Wuxuu qoray dad ay dusha kaga qornaayeen Boqor Buurmadaw, Saleen-gaal IWM. Waxaan ku idhi miyaan dadkaa la i raacin karin. Isaguna wuxuu ii sheegay in meel sare laga yeedhiyay liiska shaqaalaha. Isla maarkana aanu waxba ii qaban karin. Sidii ayaan kaga tegay”. Waa ayaan-darro in uu tixgeliyo dad laga soo xulay beesha Madaxweyne Siilaanyo.

Xidhitaanka madaarku wuxuu xaaluf ku riday xoolihii degaanka. Nin deggan masallaha ayaa ka warramay in ay askartu iibiso doogga madaarka ka baxa. Waxaanu yidhi “Waxa jirtay gabadh riyo badan leh oo Masallaha deggan. Xooluhu madaarka ayay daaqi jireen. Markii la xidhay ayay heli waayeen cawskii ka bixi jiray gegada diyaaradaha. Nin askari ah ayaa intuu soo guray ku yidhi iga iibso, islaanti dhegaha ayay qabsatay. Lama tirin karo dhibaatooyinka uu madaarka xidhani keenay. Xitaa xoolihii ayaa cunaha la qabtay oo laga iibinayaa doogga ku baxa roobka”.

Agaasime Cumar waxa uu ka mid yahay dadka musuqa faraha kula jira isaga oo durba dhistay fooq weyn. Nin ehaladiisa ka mid ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa yidhi“Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawadu waxa uu dhisanayaa fooq dhinaca galbeed ka xiga Scandanavian iyo Ramad Hotel. Isagu wuxuu yidhaahdaa “nin Carabaha jooga ayaa leh. Laakiin shaqaaluhu waxay yidhaahdaan waxa leh Cumar Cabdillaahi Aadan. Waa boob qaawan oo hantida ummadda lagu sameeyay”

“Haddii ay magac-u-yaalladu toddoba ahaayeen, Cumar-sayid waa kii siddeedaad. Muu magacaabin Madaxweyne, meeshana Wasiirka Duulista ayaa keensaday si uu ugu shaqaysto. Maaha nin garanaya xilkiisa oo waxna doona waxna diida.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil wuxuu ku koray Uubaale. Markii uu dugsiga hoose/dhexe dhammeeyay ayuu toos jaamacadda ugu biiray isaga oo aan dugsi sare marin. Mid ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ayaa yidhi “wuxuu Jaamacadda ku dhigan jiray magaca shahaado uu ku qoran yahay walaalkii Cabdirisaaq Yuusuf Ismaaciil. Muu ahayn nin aqoonta ku fiican. Xilliyada ay imtixaannadu ku adkaadaan, aniga ayaa caawin jiray. Koorasyo lagu lahaa oo dad u galeen ayaa iyana jiray”

La Soco

Khadar Muxumed Faarax

khadarmfr@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here