Cimiladdii Iyo Anniga Ayaa Heshiin Waayey

0
474

Cimiladdii Iyo Anniga Ayaa Heshiin Waayey

Khabiir ku takhakhusay dhinaca cilmiga barashada saadaasha hawadda ee loo yaqaano meteorological, kana shaqeyn jiray wakaaladdaasi, muddo dhowr-billood ahayd waxa Khabiirkaasi soo food saartay in ay kala duwanaadaan war-bixino uu kaga faaloonayey saadaasha hawadda iyo cimiladdii, taasoo sababtay, in ay khal-khal iyo jahwareer weyn ku abuurto dhamaan bulshadii ku nooleyd degaanaddii uu ka soo jeeday Khabiirkaas.

Muddo yar, ka diba waxa uu go’aansaday in uu ka tago shaqadii uu hayey ee dhinaca saadaasha hawadda.

Mar wax laga weydiiyey Khabiirkaas, sababihii ku kalifay shaqo ka tagidiisaas,waxa uu kaga jawaabay:- “ Cimiladdii iyo Annigaa heshiin waayey ”.

Marka aynu eegno hab-dhaqanku waxa uu ka shaqeysiiyaa go’aan qaadashadda maskaxaha aadamaha, isla-markaana ay ku kala aragti duwan yihiin indheer-garadka iyo indhakugaraadluhu, sababtoo ah, waxa aad arkeysaa, Suldaankii iyo dhaqankii oo heshiin waayey, Wadaadadii iyo wacdigii siyaasadda oo heshiin waayey, Gudoomiye xisbi iyo musharixiisii oo heshiin waayey, Wasiiro iyo nidaamkii siyaasaddeed ee ay ku haggi lahaayeen hiigsigii lagu gaadhi lahaa himiladda oo heshiin waayey, indhdeer-garadkii iyo indhakugaraadlihii oo heshiin waayey.

Marka aynu ka nimaadno arrimahaas oo dhan, waxa aynu leenahay hindise iyo awoodda ka jawaabta marka ay wax dhacaan, waxaana suura-gal ah, in aynu noqon karno kuwo ay ka hooseyso heerka lagu qiimeeyo qiyaasta cabbirka dareenka aadamaha.

Taasoo dhinaca maareynta suuggaanta erayaddana, waxa kaliyaata ee lagu macneeyaa Indheer-garadku inuu yahay, Hindisaha, laakiinse, marka taasi laga yimaado, waxa lagu lamaaneeyaa kartida awooddaha ay leeyihiin aadamuhu, sababtoo ah, maadaama aynu nahay kuwo uu xil ka wada saran yahay dhamaan nolosheena.

Sida la wadda-aqoon sanyahay waa wax dabiiciya Indheer-garadnimadu, waxaana lagu tilmaamaa in ay leeyihiin karti awoodeed oo aad u sareysa dadka indheer-garadka ahi, oo aanay ahayn kuwo ka indho’la xaaladdaha hab-dhaqan iyo xaaladdaha duruufeed ee ku gadaaman, waxaana gun-dhig u ah, oo lagu qiimeeyaa hab-dhaqanadooda ayaa ah, kuwo soo saara doorashooyin miyir-qaba, in ka badan kuwa ay soo saaraan shardiyaddu, taasoo ay gun-dhig u tahay dareenadu.

Haddiiba ay nollosheenu la shaqeynayso hadba, xaaladda aynu ku suganahay, innagoo haysana go’aan qaadashadda miyir-qabka, ama fullin la’aanta arrimaha qaar ee inta badan lagu tixgalinaayo sababo jira awgeed, miyeynaan odhan karrin, taasi waxa dooran lahaa, in awood lagu siiyo, kuwa doonaya innay inna xakameeyaan.

Dadka indheergaradka ahi waxa ay leeyihiin awood gaar u ah oo ay ku xanbaaraan cimiladda, ha noqoto cimiladdaasi mid rooban ama ha ahaato mid iffaysa oo aan iyagga isbedel ku sameyneyne, kuwaasi waxa lagu qiimeeyaa innay yihiin haggayaal, laakiinse, haddii lagugu qiimeeyo shaqo wanaagsan iyo wax soo saar tayo leh, taasi, maaha mid ka shaqeysiisa cimiladda, sababtoo ah, cimiladdu wax-bay haggtaa ee lama haggo.

Halka ay dadka indha-kugaraadlaha ahi ay soo gaadhsiiyaan wax-yeelooyin deegaanadda ay ku nool-yihiin bulshaddoodu, marka ay cimiladda bulshadu si fiican u daaweyso dadkiisana, waxa ay dareemaan caafimaad, marka ay dadkiisu waayaana, waxa ay noqdaan kuwo difaacayaal, sidoo kalena, waxa ay noqdaan kuwo dhisa niyadda xayn-daabka ku wareegsan hab-dhaqanka nollosha dadka kale, isla-markaa waxa ay ka xakameeyaan dhinaca baahiyaha awooddaha ay dadku ka liitaan.

Awoodda rabitaanka degdega ah ee hooseeysa, waa sida cabirka maayadda oo kale, taasoo lagu qiimeeyo nuxurka shaqsiga indheer-garadka ah, waxaana hagga shaqsiyaadkaasi fikraddaha qiimahoodu aadka u sareeyo ee aadka looga taxadiray, isla-markaana, waxa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin xullasho sarre oo qiimo badan iyo dhex-dhexaadnimo, halka, dadka indha-kugaraadlaha ahina ay haggto hawadoodu, ha noqoto xaaladdaha duruufeed ee ku xeerran deegaanadooda.

Laakiinse, marka aynu sameynayno kala doorashadda, waxa aynu noqonaa indha-kugaraadlayaal, kuwaasoo intooda badan wax-yeelooyin gaadhsiiya qaab-dhismeedka deegaanadooda, haddii ay cimiladdu u wanaagsan tahay, waxa ay dareemaan wanaag, hadday xun-tahayna, waxa ay wax-yeeleeyaan arragtida iyo habka fullinta-hawlaha.

Haddaba, akhriste isku day in aad noqoto indheer-garadka, ee aanad noqonin indhakugaraadle.

Qoraa/Maxamed Faarax Qoti