Cirro Ayaa Kulmiye 55 MPs Goal Ka dhaliyay Ma Rumaysanaysaa?

0
937

Cirro Ayaa Kulmiye 55 MPs Goal Ka dhaliyay Ma Rumaysanaysaa?

Cirro Ayaa Kulmiye 55 MPs Goal Ka dhaliyay Ma Rumaysanaysaa?

Golaha Wakiilada Somaliland Waa Xero-Geel Uu Ku Xeraysan Yahay Geel- Xayeesh Ah Oo

Reer Somaliland Naceen: Waxaa Oodda Afka Laga Saaray: Hal- Duq ah, Awr- Garbo-

Beelay, Qaalin- Gabno ah, Nirig-Hooyaddeed Jaqda, Awrka Baarqabna Waa Cirro oo

Dhufaan ah.

Islaan reer Balidhiig ah ayaa Inan ay dhashay waxaa ka guursaday Nin reer Berbera ah.

Inantii ayaa Sannad dabadii soo Duday. Hooyaddeeed ayay u warantay oo ku tidhi: Hooyo

Ninkii aad Isiisay i Uurayn Waa, Habeenkiina Ardaaga ayuu seexdaa. Islaantii reer

Balidhiiig ayaa reer Berbera la garnaqsatay oo ku tidhi: Rumaysanmaayo: Ninkii Madoobaa,

Ninkii Xoogga Weynaa, Ninkii Afartan Jirka ahaa Inantaydii Wuu Ka Ilmo-Dhali Waayay,

Ama Wuu Hagranayaa, Ama Waxbaa ka Siya Ninkaa . Reer Berberow ama Inantayda

Ninkaasi ha ii Uureeyo, Ama Hay-Furo. Maanta waxaa la yaab ah, Cirro oo Berbera laga soo

doortay ayaa 55 Xildhibaan oo Reer Kulmiye ah, Xeerka Sharci-Darada ah ee Haamaha-

Shiidaalka, intuu la dhaafay sida Brazil Football, Dhaliyay Goal ka qosliyay taageerayaasha

Waddani, UCID iyo Madasha Xaaraanta ah! Xildhibaanada Kulmiye, Cirro labada lugood

kamay jebin waayin, Cirro afka ciidda umay dari waayin, Cirro baalasha kamay rifi waayin,

55 Kulmiye dawladda ayay Hagranayaan. Nimanku waa : Pay As You Go Phone, Credirkii

Ayaa Ka Dhamaaday oo lacag in lagu shubo ayay doonayaan. Money Talks Only.

Aniga oo Af-Soomaaliga akhriya, Muraayadna Gashan Ayaa Arkaaya Dastuurka

Somaliland Qodobka 12 oo u dhigan: Xukuumaddu waxay awood u leedahay Hantida-

Qaranka :Iibinteeda, Kiraynteeda, Bedeliddeeda, tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

Qodobkani waa Biyo-Kama-Dhibcaan. Maanta Geela ku xeraysan golaha Wakiilada

Somaliland waxay samaynayaan waa: Ku-Qabso-Ku-Qadimayside.

Sidii French Revolution, Storming Of The Bastille, markii Boqortooyaddii Sharciggii Dalka

jebisay , Shacbiggii ayaa weeraray Aqalkii Boqorka, Qoortana Ka Jaray. Somaliland Cirro

ayaa Sharciggii ku tuntay. Cirro Godkiisa Biyo-Hawgu-Galleen. Cirro Sidii Siyaad-Barre ha

yidhaahdo: Waxaan Noqday Oday Sharcigii Dalka La Turun-Turooday, Illaahay Baan Idinku

Dhaarshee Xabadda Joojiya. Peace And Love.

Ahmed Jama Hure

ahmedsoleman@tiscali.co.uk

London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here