Xabaashii Weynayd ee Afrika! (Badda u dhaxaysa Libya iyo Taliyaaniga ee loo yaqaanno Mediterranean). Qaybtii 2aad. W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Sharma’arke (Hisoori)

0
363

Xabaashii Weynayd ee Afrika! (Badda u dhaxaysa Libya iyo Taliyaaniga ee loo yaqaanno Mediterranean). Qaybtii 2aad. W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Sharma’arke (Hisoori)

Qaaradda oo noqotay hoyga maan-gaabka iyo maskax yaraha awgeed, waxa ay keentay in qaaradda lagu tusaaleeyo doqonniimada iyo weliba damaca aan indhaha lahayn ee is barkan. Hogaamiye aan dadkiisa u tudhin markii uu dal walba oo qaaraddan ku yaalla ku takri-falay, ayaa waxa dhacday in da’ yartii qaaradda ay soo wajahdo rajo la’aan isku bedashay niyad-jab. Niyo-jabkaasina waxa uu aakhirkii ku biyo shubtay quus kama dambays ah, taasi oo dhallinyartii qaaraddu iyaga oo aan waxba hubsan, habeen madow badaha ku daateen, dhulkoogiina uga yaaceen sida dameer farow uu libaax ku dhex dhacay. Waxa aan filayaa in aad hadda ila garatay odhaahdii ahayd “Nayjeeriya oo aan xorriyad ku dhex joogo, waxa aan ka jecelahay xabsiga Taliyaaniga oo aan ku xidhnaado”, ee uu yidhi ninkii dhallinyarta ahaa ee Afrikaanka ahaa.

Intaasi waa iga hordhac, Maqaalkanna waxa aan ku soo qaadan doonaa war-bixinnadii laga diyaariyey da’ yartii ku naf weyday badda u dhaxaysa Libiya iyo Taliyaaniga, aniga oo ku soo koobaya qoraalkaygan in yar oo ka mid ah, wixii ka dhacay badda Mediterranean-ka siddeedii bilood ee ugu horreeyey sannadkan 2015-ka, iyo qayb ka mid ah sannadkii hore ee 2014-ka:-

· Guud ahaan sannadkii 2014-ka, waxa badda u dhaxaysa Libiya iyo Taliyaaniga ee loo yaqaanno “Mediterranean-ka” ku geeriyooday muhaajiriin lagu qiyaasay 3500 (saddex kun iyo shan boqol) oo muhaajir.
· Bishii Feberwari ee sannadkan 2015, waxa badda u dhaxaysa Libiya iyo Taliyaaniga ku dhintay tiro muhaajiriin ah oo lagu qiyaasay 350 (Saddex boqol iyo konton) tahriibe. Laba bilood kadib dhacdadaas, oo ku beegnayd 14.April.2015-kii waxa isla baddan ku naf-waayey muhaajiriin ay tiradoodu gaadhaysay 400 (afar boqol) oo muhaajir, fari kama qodna’e, Shan maalmood kadib dhacdaadaas oo ku beegnayd 19.April.2015-kii, waxa isla baddan ku dhintay tiro tahriibayaal ah oo lagu qiyaasay 700 (Todoba boqol) oo qof oo tahriibayaal ahaa. Todobaadkan oo ahaa kii ugu madoobaa ee soo maray taariikhda Badda Mediterranean-ka, ayaa waxaa badda ku dabar-go’ay tahriibayaal lagu qiyaasay 1100 (Kun iyo boqol) oo qof. Arrintan oo ahayd mid argagax badan, waxa ay sababtay isla maalintii 700 (Todobada boqol) ee qofi ay ku dhinteen badda, in ay madaxda Yurub shir deg-deg ah iskugu yimaadaan Magaalada Brussels, kuwaasi oo kaga arrinsanayey halaagga ka dhacay badda Mediterranean-ka iyo weliba qoomamka dhan ee ku naf-waayey socdaalkii baddaas lagaga gudbayey. Tahriibku waxa uu xilligan marayey heer ay 24-kii saacadoodba kun qofi ku naf-waayaan badda gudaheega.
· Afartii bilood ee ugu horreyey sannadkan 2015-ka, waxa baddan u dhaxaysa Libiya iyo Taliyaaniga ku dhintay dad lagu qiyaasay 1500 (kun iyo shan boqol) oo muhaajir.
· Sabtidii ay taariikhdu ahayd 15.Aug.2015-kii, waxa rogmatay dooni ay la socdeen tahriibayaal gaadhayey illaa 400 (afar boqol) oo muhaajir. Warkan oo ay faafisay wakalada wararka ee dalka Taliyaaniga ee marka la soo gaabiyo magaceega la yidhaahdo ANSA, ayaa waxa ay sheegtay in la soo bad-baadiyey tahriibayaal gaadhayey 300 oo qof, halka in ka badan 50 qof oo kalena ay badda ku le’deen. Siddeed maalmood kadib dhacdadan, oo ku beegnayd 22.Aug.2015, ayaa waxa xuduudka dalka Macedonia ka gudbay tahriibayaal lagu qiyaasay 7000 (Todoba kun) oo qof, kuwaasi oo u haliilayey qaaradda Yurub. Isla maalin kadib dhacdadan oo ku beegnayd 23.Aug.2015-kii ayaa uu dalka Taliyaanigu shaaciyey in uu soo bad-baadiyey tiro tahriibayaal ah oo lagu qiyaasay 4400 (Afar kun iyo afar boqol) oo qof.
· Jimcihii ay taariikhdu ahayd 28.Aug.2015-kii, waxa baddan Mediterranean-ka ku geeriyooday muhaajiriin gaadhaya 200 (laba boqol) oo qof, halka 200 (laba boqol) oo qof oo kalena laga soo bad-baadiyey badda.

Marka laga yimaaddo dhinaca tahriibayaasha ku naf-waayey baddan Mediterranean-ka, bal aynu soo qaadanno tirada tahriibayaasha ee ka tallaabay baddan, isla markaana gaadhay qaaradda Yurub:

Sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalka Talyaanigu, siddeedii bilood ee ugu horreeyey sannadkan 2015-ka, waxa soo gaadhay dalka Taliyaaniga oo kaliya tahriibayaal ay tiradoodu kor u dhaaftay illaa iyo 85.000 (Shan iyo siddeetan kun) oo qof. Tiro-koobyo kale oo la sameeyey ayaa waxa lagu caddeeyey in ay siddeedii bilood ee ugu horreeyey sannadkan 2015-ka, ay ka soo tallaabeen badda Mediterranean-ka una gudbeen dalka Talyaaniga, dad lagu qiyaasay illaa iyo 100.000 (Boqol kun) oo qof.
Marka la eego guud ahaan dadkii ka soo tallaabay badda u dhaxaysa Libya iyo Taliyaaniga, waxa lagu qiyaasay in ka badan 250.000 (Laba boqol iyo konton kun) oo qof.
Marka la isku wada geeyo tahriibayaashii sannadkan oo kaliyaata galay dalalka Yurub, waxa lagu qiyaasay in ka badan 300.000 (Saddex boqol oo kun) oo qof.

Inkasta oo xaddiga dhimashada tiro-beeshay iyo weliba dabar-go’a oodaha jabiyey ee ka dhacay badda Mediterranean-ka si weyn looga dareemay guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto, gaar ahaan dhulkan Somaliland, hadana Waxa hubaal ah, in dhulka Somaliland oo ay dhibaatadani qoys-qoys u taabatay, aan illaa iyo maanta lagu arag xukuumadda wax tallaabo ah oo lagu qanci karo oo ay arrintaas ay ka qaaday, waxaaba la moodaa in aanay xukuumaddu ogayn waxa dhulka ay maamusho ka dhacaya. Kaliyaatana waxa ay xukuuumaddu mashquul ku tahay hanti urursi iyo sidii ay kursiga ay ku fadhido u difaacan lahayd, isla markaana ugu jawaabi lahayd kooxo mucaarid ah oo kursiga kula xafiiltama.

Marka la eego tahriibka maanta gaadhay taariikhda heerkii ugu sarreeyey, ee loo geeyo rajo-la’aanta muuqata, ee loo geeyo dareen la’aanta bulshadu aanay dareensanayn saamaynta uu yeelan doono iyo cidhibta xun ee tahriibka, ee loo geeyo damiir xumada xukuumadda, waxa muuqata in ay badda Mediterranean-ku in muddo ah sii ahaan doonto “Xabaashii Afrika”, taasi oo noqon doonta meel lagu aaso lafaha dadka ku taran-go’ay socdaalkan ay geeridu wehelka u tahay!

Allaa mahad leh.

Maxamed Cabdiraxmaan Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here