Cirro Ayaan Mooshin Kusoo Waddaayaa? Dee Cirku Hadduu Soodhaco Halkaad Kagasho Ayaan Kageli Anigunna

0
343

Cirro Ayaan Mooshin Kusoo Waddaayaa? Dee Cirku Hadduu Soodhaco Halkaad Kagasho Ayaan Kageli Anigunna
(Warsugannews)
Waxa beryihii ugu dambeeyay kabaxaayay golaha wakiiladda Somaliland
Dhexdiisa ka huraayay dab aan ku tilmaami karro digo hoosta ka nool
Oo ay xukumaddu shidayso islamarkaana maalinba maalinta kasii dambaysa
Sii xoogaysanayaay hadaba dabkan oo ay suurtagalnimadiisa ka qaybqaataan
Qaar kamida Mudanayaasha golaha oo iyagu u xusul duubaaya sidii ay u fulinlahaayeen
Amaamiirta kuliddiga ahaa jirtaankoodda ee xukumaddu soo farayso
Islamarkaana lug iyo farasba waxay u adeegsadaan sidii ay meesha uga saari
Lahaayeen shaciga waxaanay heegan uyihiin fooddo iyo qas saameeya
Gebi ahaanba shuruucda dalka iyo Qaranimadaba Ummaddan S/land-ba
Hadaba waxay su.aasha iswaydiinta mudani tahay Nimankan loo yaqaano
Mooshin quutayaashu ma shariga ayay jaahil kayihiinmise way badheedhayaan?
Hadaan si dhab ah isu dultaagno jawaabtu waa maya waayahay
Hadaa maxaa jira ileen nina kuma kaceen fal waxyeelaynaaya xaasaanadiisa
Iyo Xilkiisa iyo karaamadiisee?
Taana waan idiin sheegayaa Nimankaasi waxay u faydanyihiin inay dalka burburiyaan
Waxaana u daliila marka golihii sharci dejinta dalka qaar kamidi ay jeexjeexaan
Sharcigii loo wakiishay ilaalintiisa ee ay umaddu u dooratay
Hadaba markay xaqiiqadu sidaa tahay oo aynu maalintii ugu dambaysay
Lawadda arkaayay inay inqilaab caadiya kusoo tashadeen oo tii ka dhacday
Aan cidina aanay inkiri karaynin maantana ay ragii taa hore dhigay ku goodiyayaan
Mooshin baanu keenaynaa aanu Gd Cirro Xilka kaga qaadayno oo ay taa ku hanjebeyaan
Macnuhu waxa weeyee Nimankaasi waxay ku tashadeen xasarad ay dalkan iyo dadkiisaba ku wiiqaan
Waxaan filayaa in xilku maanta saaranyahay Shacbi waynaha waayo
Shalay waxay ku dagaalamayeen ee ay usoo tashadeen ee markii sharci joojin waayay shanta loogu joojiyay waxay ahayd hantiga umadda halla boobo
Taasina waa danta ina qasbaysa hadaynu nahay dadwaynaha xilkana ina saaraysa
Oo dee xaalku waxa weeye Alamtara Soodhaafye Welil Ku Akhri
Hadaba waxan doonayaa inaan maqaalkan kusoo afmeero raga doonaaya inay dalkan
Baabiiyaan ee ugu dhuumanaaya C/raxmaan Cirro ayaan Xilka ka qaadaynaa
Iyo mooshin ayaanu keewnaynaa golaha
Adeer Cirku Haduu Soodhaco Halkaad kagashaan Ayuu Shacabkuna kageli doonaa
Waananu usoo jiidnaa oo masiirkayaga iyo jiritaankayaga hortayada ku baabiin maysaan
Qarankan JSL wuu jirayaa laakiin idinku dariiqala mawdka waxaa ka heshaan waxba hanaga siinina
By Sacad Cali Kaahin Balaaki
sacadblacki@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here