Deg Deg: Suldaan Mawliid Sabayste Xabsiga la dhigay + Suldaan Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Si Adag Uga Hadlay + Sababaha ay lala xidhiidhinaayo Xadhigiisa

0
467

Deg Deg: Suldaan Mawliid Sabayste Xabsiga la dhigay + Suldaan Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Si Adag Uga Hadlay + Sababaha ay lala xidhiidhinaayo Xadhigiisa

Hargaysa:(warsugannews)- War hadda nasoo gaadhay,ayaa sheegaya in goor dhawayd ay Ciidamadda Amaanku ay Xabsiga u taxaabeen Suldaan Mawliid Sabayste oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland,waxaana goor dhawayd laga qabtay Gurriga Salaadiinta Subeer Awal oo ku yaalla Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaaladda Hargaysa.

ILaa hadda ma cadda sababta keentay Xadhiga Suldaanka,balse waxa inuu Sudaanku Maalmihii ugu danbeeyay Xukuumadda si kulal ugu dhaliilay Dhacdadii Gollaha Wakiiladda oo sidii ay wax u dhaceen uu goobjoog ka ahaa iyo Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Magaaladda Berbera oo si weyn uga soo horjeeday.

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal,Sul.Xasan Sul Cabdilaahi,ayaa si adag uga hadlay Talaabdii ay Caawa Xukuumaddu Xabsiga u dhigtay Suldaan Mawliid Sabayste oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland.

Suldaan Xasan oo Wariye Mohamed Hassan Daacad Khadka Telafanka kula hadlay ayaa sheegay in si anshaxa iyo Xushamadda Dadnimadda ka baxsan loola dhaqmay Salaadiintii Markii la qabanayay Suldaan Sabayste,iyada oo Ciidanka Dhinacyadda uga soo daateen Gurriga Salaadiinta Subeer Awal ee ku yaalla Magaaladda Hargaysa.

Mar aanu Suldaan Xasan Weydiinay waxa ay is-leeyihiin Xukuumaddu wey ka daba socotaa Suldaanka,ayaa sheegay inay Talaabaddani daaran tahay Shir Jaraa’idyo ay Salaadiintu,gaar ahaana Suldaan Mawliid Sabayste kaga hadlay Arrinta Hamaaha Kaydka Shidaalka ee Magaaladda Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here