“Cirro Iyo Faysal 52-kii Xildhibaan Ee U Soo Baxay Ma Waxa Ay U Haysteen Inay Yihiin Dad Wada Iimaan Leh, Miyaanay Ogeyn Inay Kuwii Bilaa Imaanka Ahaa Ku Jiraan, Miyaanay Ogeyn Inay Doqomadii Ku Jiraan….” Jaamac Shabeel

0
322

“Cirro Iyo Faysal 52-kii Xildhibaan Ee U Soo Baxay Ma Waxa Ay U Haysteen Dad Wada Iimaan Leh Inay Yihiin, Miyaanay Ogeyn Inay Kuwii Bilaa Imaanka Ahaa Ku Jiraan, Miyaanay Ogeyn Inay Doqomadii Ku Jiraan….” Jaamac Shabeel

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Garyaqaan Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa dhaliillo xooggan u soo jeediyey Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland isaga oo ka hadlayay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada waxaanu si kulul u canaantay Guddoomiyayaasha Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin xubno xejisan kari waayey Xildhibaannadii xisbiyadooda ka soo baxay, isla markaana maanta qiiro qiiro geliyey isbaddelkii ay shacabku u codeyeen.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa waxa kele oo uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Cirro ku tilmaamay inay ka bakhaylsan yihiin Madaxweyne Biixi, isla markaana aanay aqoon sida wax loo bixiyo, madaama oo ay haysan karri wayeen Xildhibaannadii ka soo baxay Xisbiyadooda oo lacag la siiyey.

Siyaasi Jaamac shabbeel oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-“Labada Xisbi shicib 52 Xildhibaan soo saaray maanta qiiro qiire ayey ku jiraan, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo uu muuse ka adkaanayo waa wax aanu caqligi qaadan karrin Xildhibaannadoodii oo ay arkayaan ayaa la iibsanayaa badeecad ayaa laga dhigay suuqa taalla ,waxa aan waydiinayaaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal 52-kii Xildhibaan ee loo soo saaray ma waxay u haysteen dad wada iimaan leh inay yihiin 52, miyaanay ogeyn inay kuwii bilaa imaanka ahaa ku jiraan miyaanay ogeyn inay doqomadii ku jiraan intiiba wey ka soo baxeen, doqonkaaga waxa lagu kaxaysanayo saw in aad ku haysato maaha  oo aan lagaaga kaxaysan, ka aan iimaanka lahayn waxa lagaaga ka xaysanayo saw adigu in aad ku haysato maaha .”

Waxa uu intaas ku daray “Waar waxa aan leayahay lacag la’aani idinma haysee wahaabiyad-nimo ayaad idin haysee iska bixiya bahasha, wahaabiyiintu waa bakhayliin, laakiin xagga kale qolada joogtaa waa qaadiriyo oo iyagu wey saydh-saydhaan si ay muraadkeeda ugu gaadho ayey bixisaa oo ay hurtaa qaadiriyaddu, laakiin wahaabiyaddu ma hurto, wax kale ayay iskugu sheekeeyaan oo aan la garanayn oo aad ayey u jeceshay bahasha rag iska dhiga oo fadhiga ka kaca oo jeebka iyo gacanta is bara ama bannaanka uga baxa siyaasadda .”

Dhanka kalene Jaamac Shabbeel ayaa sheegay in aanay tartami karrin nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn,waxaanu isbahaysiga mucaaradka ku eedeeyey in aanay wax bixinta aqoon “Nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn ma tartami karayaan isumana dhawaanayaan ,hawdhawna waa calaacal iyo maroora dilaac iyo kii caynkaa ahaa sababtu waxa weeye jeebkiina iyo gacantiina ayaan is aqoonayn cida idinka soo horjeedana Muuse waa Bakhayl ayaa la lahaa,lakiin rag qaadiriyo ah ayaa daba taagan oo wax bixinayana.” ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cige oo loo yaqaano Jaamac Shabeel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here