Ciyaartoyda Arsenal oo layaabay tababare Wenger kadib markii la ogaaday inuu keyd galin doono Petr Cech kulanka Bayern Munich

0
362

Tababare Arsene Wenger ayaa ka yaabiyay ciyaartoyda kooxdiisa kadib markii la ogaaday inuu ku soo bilaabi doono kulanka Bayern Munich goolhaye David Ospina.

Wenger ayaa u qoondeeyay Ospina inuu ciyaaro kulamada Champions League iyo koobabka kale, halka Petr Cech oo ah goolhayaha koowaad ee kooxda uu ciyaarayo kaliya kulamada horyaalka.

Sida ay baahisay Mirror, ciyaartoyda Arsenal ayaa layaaban go’aanka tababare Wenger ee uu doonayo inuu keydka ku galiyo Petr Cech kulanka Champions League ee Bayern Munich.

Petr Cech oo ah laacibka kaliya ee ku guulaystay Champions League ee u ciyaara Arsenal ayeey u arkaan ciyaartoydu inuu uga khibrad badanyahay saaxiibkiis David Ospina koobka horyaalada yurub.

34 jirkaan ayaa ku soo bilowday kulankii wareega guruubyada ee Arsenal ay 2-0 uga adkaatay kooxda Bayern Munich xiliciyaareedkii hore, ciyaartoyda kooxda ayaana jecel inuu ku soo bilowdo kulanka Bayern Munich ee habeen dambe.