“Ma badali doono taatikadeena si aan u celino Messi” – Unai Emery

0
402

Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay marti qaadi doonto caawa kooxda Barcelona.

Unai Emery ayaa sheegay in kooxdiisu aysan badali doonin taatikadeeda si ay u celiso Lionel Messi, balse wuxuu cadeeyay in kooxdu ay ku ciyaari doonto qorshe ay ku celinayso dhamaan qatarta uga imaan karta Barcelona.

45 jirkaan ayaa intaa ku daray in kooxdiisu ay ku dadaali doonto sidii ay guul uga gaari lahayd Barcelona si kooxdu ay uga soo gudubto wareega 16-ka.

“Ma soo hindisi doono taatiko cusub si aan u celino Messi, ma jirto laba kulan oo isku qaab ah kubadda cagta, waxaan haysanaa waxyaabo badan oo aan ku celin karno qatarta kooxda naga soo horjeeda” ayuu yiri tababare Unai Emery.

“Waa inaan uga adkaanaa dhamaan loolanka wadarta ah iyo kan kali kaliga ahba, wuxuu ahaan doonaa kulan u dhexeeya laba koox oo waa wayn isla markaana awooda inay iska adkaadaan marwalba”.

“Waxaan rumaysanahay inaan haysano wax nagu filan oo aan ku dhibaatayn karno, fursad fiican ayeey nootahay inaan ka adkaano mid kamid ah kooxaha ugu wayn yurub oo aan horay inbadan uga hor tagnay”.