Coutinho Iyo Benteke Oo Guushii Ugu Horeysay EPL-ka Ku Hogaamiyay Jurgen Klopp Kulan Ay Reds Karbaashtay Chelsea

0
465

Coutinho Iyo Benteke Oo Guushii Ugu Horeysay EPL-ka Ku Hogaamiyay Jurgen Klopp Kulan Ay Reds Karbaashtay Chelsea

Hargeysa(Warsugannews)Kooxda Liverpool ayaa cashar u dhigtay kooxda waayuhu ku xun yahay ee Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge joogta, waxaana 3-gool oo ay kala dhalliyeen Philippe Coutinho iyo Christian Benteke ayaa guul ku hogaamiyay Liverpool inay guul ka gaardho Chelsea, isla markaana ay cadaadiska ku sii kordhiso Jose Mourinho.

Tababare Jurgen Klopp ayaa gaadhay guushiisii ugu horeysay horyaalka Ingiriiska tan iyo markii uu yimid sidoo kalena waa guushii labaad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan. Wiilasha Chelsea ayaa ku bilowday si dhiiranaan ah iyaga oo kaashanaya dhawaaqa jamaahiirtooda sidoo kalena Ramires ayaa hogaanka u dhiibay Chelsea daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta markii uu caawinaad ka helay Azpilicueta, si qurux baddan ayuuna madax u daba marsiiyay goolhaye Simon Mignolet.

Adam Lallana ayaa sameeyay isku daygii ugu fiicnaa ee ay Liverpool samayso daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta markii uu ku rogaal celiyay kubad ay difaaca Blues iska saareen, balse Begovic ayaa ku dhagay. Adam Lallana ayaa mar kale isku day sameeyay si uu kooxdiisa ugu dhalliyo gool bar-bardhac ah markii uu daqiiqadii 24-aad madaxeeyay kubad dhinaca midig laga keenay balse Begovic ayaa qabsaday.

Lucas Leiva ayaa sameeyay isku day uu kooxdiisa ugu raadinayo inay bar-bardhac ku hesho markii uu kubad ka kor madaxeeyay Kourt Zouma, balse Begovic ayaa qabsaday daqiiqadii 38-aad ee ciyaarta. Philippe Coutinho ayaa bar-baro u keenay Liverpool waqtigii dhimashada qeybta hore ciyaarta markii uu gool xarago leh daba mariyay Asmir Begovic inkastoo uu ka hor si fiican uga xariiftamay daafaca Blus.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay barbaro 1-1 ah iyadoo labada kooxood ay uga mahad celinayaan goolashooda laba xiddig oo reer Brazil ah. Liverpool ayaa si xoogan qeybtii labaad ku soo gashay waxaanad mooday inay tahay koox ku ciyaaraysa gurigeeda marka aad eegto sida ay awood u leeyihiin. Philippe Coutinho ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta markii uu si habsami leh u dhalliyay kubad uu ka qeyb qaatay Benteke.

Alberto Moreno ayaa isku dayay inuu hogaanka u dheereeyo Liverpool daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta, balse Begovic ayaa si habsami leh uga badbaadiyay. Liverpool ayaa heshay kubad ay hogaanka ku dheeraysato mar kale Ibe ayaana dhinac ka soo xarooday balse kubaddii uu goolka aadiyay daafaca Blues ayaa isku dhigay. Christian Benteke ayaa quusiyay Liverpool daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta markii uu si habsami leh u dhameystiray kubad fudud oo lagu siiyay xerada ganaaxa.

Dedaal baddan oo ay sameeyeen Chelsea uma suurta-galin inay gool ku helaan, Liverpool ayaana gaadhay guushii ugu horeysay horyaalka Premier League tan iyo markii uu tababare u noqday Jurgen Klopp. Liverpool haatan way soo dhaqaaqday waxayna soo istaagtay kaalinta 7-aad iyadoo leh 17-dhibcood, Stamford Bridge ayayna guul ku soo gaadheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here