Waxgaradka Deegaanka Adhicadeeye Ee Gobolka Sool Oo Sheegay Inay Kalsoonidii Kala Laabteen Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo

0
565

Waxgaradka Deegaanka Adhicadeeye Ee Gobolka Sool Oo Sheegay Inay Kalsoonidii Kala Laabteen Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo

Hargaysa (Warsugannews) Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Waxgaradka Kasoo jeeda Deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool oo manta shir jaraaid ku qabtay Hotelka Hadhwanaag ee Magaalada hargaysa Ayaa ka hadlay Iscasilaadii Wasiiradii ka dareeray Xukuumada Madaxweyne Siilanyo iyo Xunihii Cusbaa eek u Daray Golaha Xukuumadiisa

Waxgaradkan ayaa dhaliilo Togan Iyo Qaar Tabanba dusha ka huwiyay Xukuumada Madaxweyne siilaanyo oo ay Ku Tilmaameen inay Daba Marteysay Hanaankii cadaaladeed ee Deegaamada dalka Isla Markaana Ay garbaduubtay Saami qaybsigii Beeluhu Ku Lahaayeen Xukuumada Somaliland.

Ugu Horeyn waxaa Halkaasi ka hadlay Chief Caaqil Faarax Cabdi Macalin Waxaana uu Sheegay in Kalsoonidii kala noqdeen Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbigeeda Kulmiye Isagoo Arimahaasi Ka Hadlayana Waxaa uu Yidhi “ Madaxweyne siilaanyo isagoo aan madaxweyne ahayn markuu yimi laascanood,ilaa yagoori ilaa laascanod baanu fardahayaga kusoo gelbinay,manta wuxuu dhaxalkayagii noqday in liiska dawlada nalaga saaro Taasina waa mid aan Na qaban,Isagoo Kursigii aan cabashada ku Fadhinay ee Wasiirkuxigeenkana Siiyay Cid kale,Haday sidaa noqotay Waxaanu u sheegaynaa inaanu Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisaba Kala Noqonay “ ayuu Yidhi

Chief Caaqil Faarax Cabdi Macalin oo hadalkiisa Sii Wata ayaa Wuxuu sheegay in Xukuumada oo ay soo dhiseen qaybtooda aanay haba yaraatee ku haysan Beel ahaan Wax Xil Ah Isla markaana deegamadoodii ay Ka danbeeyaan gobolada kale ee dalka Waxaana uu yidhi “Waxaanu u sheegaynaa Jaaliyada Beesha ee Dibada ku sugan in Madaxweynihii aad hiilka Iyo Hooda la Garab Istaagteen uu Abaal Gudkiisii Noqday Waxaa idiin Muuqda,Jawaabteedana waa La Idiinka Fadhiyaa,Sidoo kale waxaan u sheegaynaa Bulshada Caalamka,Umada reer Somaliland Inaanay Beelaha Ku Dhaqan Somaliland u Sinayn Saami qaybsiga Wax kasta oo Dalka Yaala iyo Dawladoodaba,Ugu Danbayn waxaan Leeyahay waa Nasiib daro In madaxweyne siilaanyo Xilal ku taxo Kuwii Dalka,Dadka Iyo Dawladaba Hagardaamada La daba Joogay,Isla Markaana Uu Cidla Kaga dhaqaaqo Kuwii Isaga Iyo Xukuumadiisaba U Geedaynayay“ Ayuu Yidhi Chief Caaqil Faarax Cabdi Macalin.

Caaqil Cali Xirsi Xasan(Geenyo) oo saguna Hadalka Qaatay Ayaa ka dhawaajiyay inaanay Deegaanka Adhicadeeye Beesha degta ee FIQISHINI aanay ka Haynin xukuumadan wixii ay xaq u leedahay isagoo intaasi ku daray inaanay doonayn wax dheeraad ah “Madaxweyne beeshayadu Maaha mid lagu yaqaan,Yooyootan,Iska Dabawareeg Iyo Baryo Adigana Kuulama Iman Mana aha Midaanu Aqbalayno,Waxaanu kulaneenahy Madaxweyne Hadii Ay Jirto Arin Kale oo aanu kaga qadnay saami qaybsiga somaliland Waxaanu Ka leenahay gar Iyo Gole Waana inaad Arinkaasi noo Cadaysaa,” Ayuu Yidhi Caaqil Cali Xirsi Xasan(Geenyo).

Cumar Bakayle oo ka mid ah waxgaradka deegaanka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Markuu iscasilay Wasiir Xigeenkayagii Hore ee Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxman,waxaanu Madaxweynaha ka codsanay inuu booskaasi Noo bedelo Noogana Dhigo Wasiir Buuxo Anagoo Xilkaas usoo igmanay Nin Siyaasi Ah oo Buuxin Kara ,Taasina waxay Dhashay In Wasiir Iska Daaye Nala Duudsiyay Xilkayagii Wasiir Xigeen,Hadaba waxaanu Ku Leenahay Madaxweyne Deegaankayagu waa Sool Iyo Buuhoodle oo hawd iyo Nugaalba Leh,Dadka Halkaas Wada Degaana Waa Laba reer,Inay Iskaga Kaa Khaldamaana Maaha,Hadii aanaan Ka mid ahayn Ergooyinkii Nabadaynta ee Boorama iyo dhisitaankii Somaliland ee Burco,Waxaa Xeer Naloogu yeelanayaa Inaanu Banaanka Ka istaagno Wax kasta oo Saami qaybsi oo Yaala Somaliland Balse Hadaanu ka Mid Ahayn Ergooyinkaas Meeshaasna aanu Joognay Madaxweyne Waxaanu kaaga Fadhinay Saamigayagii,Balse May Dhicin Anaga ayayna Noo Taala Hada Waxaanu Yeeli Doono,Waxse Layaab Leh Madaxweyne Adigoo Og Beeshan Dal Ahaan Iyo Dad Ahaan Halka ay Degto Waxay ku dhacday Inay Halkaas Ka Taagnaato Xukuumadaada “ Ayuu Yidhi

Prof Khadar Xasan Shariif oo ka mid siyaasiyiinta Beesha Adhicadeeye Kana Mid ahaa siduu sheegay ragii ay saaxiibka dhow ahaayeen Madaxweyne Siilaanyo oo isaguna hadalka markiisa qaatay ayaa ku nuuxnuuxsaday Sidii ay Ugu Liseen Madaxweyne siilaanyo iyo xisbigii uu hogaaminay ee Kulmiye iyo Sida aaanu Ugu Hambayn waxaana uu yidhi “ anigu waxaan si toos ah ula hadlayaa Madaxweyne Siilaanyo,Waxaan ku leeyahay Mudane Madaxweyne Markaan kuugu imi Hanbalyada ee aad Kursiga Sidaa u Fuushay Waxaan Kugu Idhi,Nin Baa Raiisle Kasoo Xiirtay,Markuu kazoo baxay ayuu nin ka hor yimi wuxuuna ku yidhi Waar Yaa ku Hoolhoolay,Ninkii Lasoo Hoolhoolay wuxuu ugu Jawaabay Madaxaygaba Weligay Khayr qabe Muu Taaban,Waxaan Uga Socdaa Kursigaa aad ku fadhido Reer Fiqishini Wiil Khayr qabaaba uguma fadhiisane Adigana waanu ku Eegaynaa,Waayo adigu adigu kuwii hore waad ka duwan tahoo deegaankii iyo dadkiiba waad garanaysaa,Waxayna ahayd Maalintii Isugu Keen Danbaysay isuguna Keen Horeysay Intii aan Joognay Somaliland,Reerkayaguna Maaha Raga Cimaamadaha qaata,ee Madaxtooyyada isasoo Hortuba,ee Dadka Dewersada,Adna waad ogtahay inaan nin reerkaasi kuu iman oo kugu odhan abaar baa nahaysa,xil noo dhiib,shaqaale Nasii Iyo Waxkasta oo madaxweyne looga soo Baahdo “ ayuu Yidhi

Isagoo Hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi ku daray “Halkaas waxaa noo joogay cabdiwaaxid,Isaguna wuxuu Raacay Xirsi oo ah wiilkaagi ninkii aad ugu jeclayd Golahaaga wasiirada,hadiise uu kaa raacay Maad kazoo reebtid,Mudane madaxweyne ma waxaad kala garan wayday Beesha Iyo cabdiwaaxid,Hadaad arkaysid Ninkii Meel Kasta kaala Dagaal Galayay ee Cabdiwaaxid Maanad ogayn Inay Beesha ku Jiraan Boqolaal Ka Daran Ninkaas Haba Gaabgaabnaadeene,Waxaan kusoo goynayaa hadalkayga mudane madaxweyne waan kuu hanweynaa Maalintaan kuusoo Hanbalyaynay waayo waxaan islahaa waa dawladii Reer Bari“Ayuu Hadalkiisa kusoo afmeeray.

Ergaygii Ugu Horeeyey ee Beeshaasi uga qayb galay Shirarkii Nabadaynta Ee Beelaha Somaliland Lagu heshiisiinayay Mudane aadan Xasan Maxamed ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaana uu yidhi “Waxaan ahay ergaygii Sanadkii 92kii Ilaa iyo Maanatan Ergaygii ayaan ahay,Markaan Meel walba galay ee dhegaha layga Furaystayna Beeshii Arinkan Lahayd ayaa Timi,Waxa Naga Maqanina Maaha wasiir Xigeen Ee Waa Saamigii aan Somaliland Ku Lahayn Haday Ahaato Wasiir,Wasiir Xigeen,Wasiiru Dawle,agaasimayaal,Gudoomiyayaal,Xoghaye,Saraakiil Ciidan Iyo Weliba Xataa shaqaale Hoosaad,Waxaanu Ku Leenahay Intii aanu Nabada Iyo dadka Suluxiisa Ku Jirnay,WWadajirka Somaliland Ayaa Nala Daba Maray Oo xilalkayagii aad Cidkale siisay Madaxweyne,oo weliba dad kale yidhaahdeen Maba Jiraan Reerkaasiye Xilalkooda inoo Qaybiya “ ayuu Yidhi

Ugu Danbayntii Waxaa Hadalka Soo Afjaray Maxamed Jaamac Xirsi Indha Yare oo isaguna waxaana uu yidhi “Madaxweyne waxaan ku leeyahay nin ayaa gabyay oo wuxuu yidhi.

Waraabihii Higlooloow anaa galay Hogaagii,

Anigoo Hankaagiyo Aqaan Haybta aad Tahay,

Ninkaygaas Hilbaha Kugu Rartaa Kaa Hunguri Weyn

Madaxweyne Waxaan ku Idhi Xukuumadaadii Iyo Xisbigaagii Ma Waxay Noqdeen Waraabihii Higloole,iyadoo aad ogtahay Ciidamada difaaca ee dhiban Mooyee Inaan Manfac kale Ku Haysan Xukuumadaada Iyagana Waanu kala Baxaynaa Dhibta Iyo jiidaha ay Joogaan Wasalaamu calaykum “ ayuu Yidhi

20151031_120156

20151031_120207

20151031_120618

20151031_120653

20151031_120959

20151031_121223

20151031_121726

20151031_123309

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here