CUMAR XASAN ROORAAYE  FANAANKII    KA GUDBAY   XANIBAADII KACAANKA  IYO XAYIRAADII  IDAACADA  DOWLADDA Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

0
331

CUMAR XASAN ROORAAYE

FANAANKII    KA GUDBAY   XANIBAADII KACAANKA  IYO XAYIRAADII  IDAACADA  DOWLADDA

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

                        Waa 22kii Bisha Abriil  2023, oo maalintu ku beegnayd  Sabti,  waxaa lagu jiray ayaantii Labaad ee Ciidul Fidriga,  badiba sheekooyinka bulshada dhexdeeda marka laga yimaado warka iyo waayaha dunida waxaa  hadal-hayntu u badnayd Faalada bishii barakaysnayd ee Ramadaan, qaybaha warbaahintana  waxaa aad uga socday Salaamaha iyo Hambalyada Iida.

Heeso ku saabsan munaasabadan oo maqalkoodu xusuus iyo waqti hore ku hor keenayaan ayaana meelo badan ka baxaayey.  Hase ahaatee   casarkii dheeraa amin ku siman ilaa 4:00 Pm  war xumi dugsi ma fadhiyee

Waxaa  baraha bulshada  ku soo dhacay, dhambaal naxdin leh waa Geerida AHN Cumar Xasan Rooraaye,  oo kamid ahaa Heesaagii ugu magaca weynaa Fankii xariirta ahaa  ee  Afsoomaaliga,  wuxuu kamid ahaa xubnihii Magacoodu ka  dhex ifey Masrixiyadihii  sida weyn looga daba dhacay,  oo sheekooyinkooda iyo qisooyinkii ay xambaarsanaayeen,  intii usoo joogtay ilaa haatan ay ka sheekeeyaan.

Waxaa xus iyo xusuus iga mudan markii iigu horeysay ee aan indhaha saaro AHN Cumar-Rooraaye, waa sanadkii 1980kii iyo Magaaladii Garoowe, waxaanay wadeen Riwaayadii XORIYO.

Dhacdada  xiisaha gaarka ah lahayd waa Xaflad qado sharaf ah oo  madaxdii iyo masuuliyiintii Gobolka Nugaal ay u sameeyeen Hoboladii Waaberi ee Riwaayadaasi waday. Oo ka dhacday xaruntii Dalxiiska ee Garoowe.

Inkastoo da’ ahaan aan aad u yaraa, balse jawiga xafladaas sida  xaalkeedu ahaa iyo wejiyada akhyaarta madashaasi ku kulantay wax aan aad uga bogtay    Sawiro xusuus ah oo maalintaasi laga qaaday Fanaaniintaasi.

sawiradaas oo korjado dhan ka koobnaa waxay ooli jireen Gurigayaga inkastoo aanu dhowr Magaalo  u kala guurnay,  waxay soo gaadheen ilaa 1985kii.oo aanu deganayn Muqdisho.

Waxaan marar badan usoo joogay iyadoo la faalaynaayo  oo magacyadooda la sheegayo dadka sawiradaas ku jiray, oo ay  kamid ahaayeen

Badhasaabkii Gobolka Nugaal AHN Axmed Maxamed Isaaq (Karakuus), Maayarkii Garoowe Cali Xaashi Baraale, Taliyihii Qaybta Booliska AHN Maxamed Cige, Taliyihii Nssta AHN Yuusuf Saleebaan, Taliyihii Guutada 28aad AHN Xasan Yoonis Habane, waxa kale oo kamid ahaa Jaamac Cali Xasan (Gaashaan-cade), oo aan   filayo inuu yahay masuulka keliya ee ka nool dhamaanba madaxdii Heer Gobol iyo degmo.

Sawiradaas waxaa kale oo ku dhamaa  Hobolada Waaberi  oo Ud-bahoodii iyo dhigahoodiiba u dhan yihiin, gaar ahaan intii waday Riwaayadaasi XORRIYO. Oo tiradoodu marka laysku wada daro  ilaa ragga   muusika tumaya, dhowr iyo labaatan qof ka koobnayd, balse maanta ay ka Nool yihiin Saalax Qaasin, Seynab Cige iyo Qamar C/laahi Harawo.

Waxaa kale oo xusid mudan in Sawiradaasi lagu kala saaray dhowr qof oo ku murmay AHN Maxamuud C/laahi  (Singub) oo ahaa Abwaanka Riwaayada,  dad badanina  u haysteen iyagoo Naanaystiisa tixraacaya inuu  Sankiisu Madow yahay. Waayahaasna waxaa isimkiisu caan ku ahaa (Sangub) Hase ahaatee murankaas waxaa soo afjaray Sawirada laga qaaday.

Markaan dib ugu laabto Waayahii faneed ee AHN Cumar Xasan Rooraaye,  wuxuu  kasoo bilaabmayay horaantii Sanadihii Lixdamaadkii.

Waayahaasna Fanaanku wuxuu ku cada  Macalin si dhab ah uga turjuma dareenka Shacabka, marka laga yimaado culumada diintana waxay ahaayeen cida 2aad ee waanadooda iyo wargelintooda     umadu yar iyo weyn dhegeysato .

Geediga dheer ee Fanka AHN Cumar-Rooraaye iyo ragii ay isku waqtiga ahaayeen wuxuu kasoo bilowday,  heerka uu  taagnaa  wacyigii  siyaasadeed ee sanadihii Lixdanaadkii sida uu ahaa, iyo aragtida ay kala qabeen shacabka iyo Xubnihii siyaasiyiinta ahaa, waxaana tusaale cad inooga filan Riwaayad waayahaasi lasoo bandhigay oo uu Aktarka koowaad ka  ahaa heesaha ku jirayna ay kamid ahaayeen.

“Ama waa lay dooran ama daadku I qaaday”. Dulucda fariinta ay  tebinaysayna waxay sawir cad ka bixinaysay xubnihii u haliilayey inay awooda qaranka gacanta ku dhigaan. Iyo jahawareerka bulshadu ku sugnayd.

Taariikhahaas oo ku beegnaa xiligii dowladihii Rayidka ahaa ee ka horeeyey Inqilaabkii Militeri ee  21.Okt.1969.

Curashadii Nidaamkii  Askarta oo  meelaha uu bilowgiiba horumarka ka sameeyey Fanku kamid ahaa, waxaa la dhisay Tiyaataro iyo xarumo lagu soo bandhigo Riwaayadaha iyo bandhig faneedyada,

Inkastoo gardaadintii Kacaankaasi Fanku qayb weyn ku lahaa Heesaha Amaanta  iyo suugaantii loogu sacab garaacayna ay  joogto ka noqdeen Idaacadihii Dowlada,  balse  qaladaadkii dowladaasi ku kacday   cidii ugu horeysay ee farta ku fiiqda waxay ahayd  Bahda Fanka.

Markaynu dib u milicsano Bilowgii todobaatanaadkii oo fanku  uu gaadhay halkii u saraysay, waxaa xiliyadaas caan noqday Riwaayado isdaba joog ah oo Kooxaha kala duwan ee fanku soo bandhigeen,  AHN Cumar-Rooraaye wuxuu kamid ahaa Haldoorkii ka qaybgalay masrixiyadahaas.

Kuwoodii ugu magac weynaa sida 1-Dirqi maaha Jacaylku oo uu sameeyey Abw. Maxamed Aadan Dacar, 2-Wad iyo Wacad oo uu lahaa AHN Cismaan-Askari, 3-Xuud Baa Liqay Jacaylkii Fikradii AHN Maxamuud C/laahi Singub, 4-Xuskii Jacaylkii AHN Singub sameeyey, 5-Xorriyo AHN Singub uu iska lahaa, waxa kale oo uu metelay markii labaad Riwaayadii Ninba Tima xamar oo xili ku siman 1983kii Jabuuti lagu dhigay. Waxaanay wada jilayeen AHN Nadiifo Xaaji Axmed,

Allaah haw naxariistee Marxuum Cumar-Rooraaye waxa kale oo lagu xusuustaa,  heeso kamid ah suugaantiisa oo uu ku sifaynayo Waajibka Askariga  iyo kaalinta uu Qarankiisa ugu jiro, waxaana tusaale inoogu filan heesta

—–Anigu dablaan ahaanayaa

Naftayda waan la doodayaa,

Raaxada waan u diidayaa

Weliba waan sii dadaalayaa

Aabo dulqaad baan kaa rabaa

Hooyo ducaan kaa doonayaa

Danta dalkaan u daalayaa

Dirays inaan xidhaan Rabbaa

Cadowga daafacaan Rabaa

Dagaalka waan u horseedayaa.

Heestan oo kamid ahayd Riwaayadii Wad iyo wacad, oo uu iska lahaa AHN Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari), waxaa si fiican looga fahmi karaa hawsha Askariga.

Marka taas laga gudbo   Waxaa kale oo jirta laba heesood  oo mid uu isagu keligii ku luuqeeyo waxaana ereyadeeda kamid ah

“Waxaan ahay Askari

Amarkii la ii diro

Anigu waan ka adagahay

Heestan oo aan filayo in laga heli karo Kaydkii hore ee Idaacada Radio Hargeysa. Mudadii ay Somaliland jirtay waxaan daawaday 2.2.1999 Xaflad ka dhacday Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu maamuusaayey aas-aaskii Meleteriga.

Waxaa kale oo kamid ah Heesaha Ciidamada ee AHN Cumar Xasan Rooraaye caanka ku ahaa hees ay si talantaali ah u wada qaadaan Fanaanka  Salaad Maxamed Shardi (Salaad-Derbi). Waxaanay aad uga bixi jirtay Idaacadii Raadyow Muqdisho.

Ereyada heestana waxaa kamid ah

“Mar hadaan  daljire ahay

U diyaara Nacabkii

Mar hadaan daljire ahay

Dugsanaaya shacabkii

Anigoo dagaalamaaya

Dalkayaga xumo u diidan

Oo wanaag ku diriraaya

Haku daato dhiigaygu.

Heestan oo iyadoo qaab kale loo tumaayo,  aan maalin ka dhegeystay Radyow Hargeysa.waxaa si gaar ah uga daba jiibinaya Hablo fanaaniin ah. Labada jeer ee aan maqlayna waxay aad u saraysaa. Marka ay ka baxayso Idaacada Muqdisho.

Waxa kale oo kamid ah suugaanta  dhinaca ciidamada ee ku suntan  AHN Cumar Xasan  Rooraaye,  hees talantaali ah oo ay wadajir ugu luuqeeyaan 1-Axmed Cali Cigaal, 2-Saynab Xaaji Cali (Baxsan), Khadra Daahir Cige iyo Cumar Xasan Rooraaye.

Heestan oo ay si cajiib ah u kala roganayaan Afartaa Fanaan oo Saddex kamid ahi geeriyoodeen waxaan filayaa in xiligeedu ahaa intii uu socday Dagaalkii 1977.  Qisada ku duugan waa  sheeko u dhigan Laba  wiil oo  barbaartii  Ciidanka ahayd kamida,   markii ay dagaalka kasoo noqdeen  iyagoo guushii xambaarsan, ay  is arkeen Laba Hablood oo Sheeko guur ka dhaxaysay, intaa ay Dagaalka ku maqnaayeena Inamadu ,

Habluhu waxay aad uga wer-werayeen, sida xaaladu ku dambayn doonto iyo Inay nolol isku arki doonaan Gacaliyeyaashoodii wacadka guur u dhexeeyay,   Farxadii kulankooda ayaana midhaha heesahan lays weydaarsanayaa. Xaqiiqa ahaana Xikmada Heestan waxay markhaati cad ka tahay Halku dhig waayahaas ay Hablaha geyaanku marka ay ragga kala xulanayaan caan noqday oo ahaa

JABHAD BAA YIMIYE JANAALOOW KA BUL DHEH.  Magaca Janaale waa Raggi u xoogsi tegay Wadamada khaliijka oo markii ay  dalka kusoo laabteen,  kusoo hagaagey  qoodhii dagaalka kasoo qaybgalay oo Libaaxyo ka sheekaynaya,  waxaana sidaa ku shiikhay, Codkii Janaalaha,  heestan oo   dhamaystiran waxa laga heli karaa youtube-ka.

Marka dib loo qiimeeyo suugaantii AHN Cumar-Rooraaye waxaa ku jira Heeso waqtiga iyo waayaha la socda oo xikmada iyo murtida ay xambaarsan yihiin muhiimad weyn leeyihiin.

markalena  wuxuu lahaa  mowhibat fan oo aad ugu yar Hoboladeena,   tirada yar ee heesaaga aan codkiisu  isbedelin  mudadii 50kii sano ka badnayd ee uu heesaayey. Ayaanu kamid ahaa.

Dhinaca kalena waxaa jira qaabab loo kala saaro tayada Codka ee Heesaaga waana xirfad ay si gaar ah u baadhaan  laxamiisteyaashu,  mararka qaarna waxa dhacda oo fankeena aad ugu badan in Heesaa aad u cod macaan ay ku adkaato Luuqda midho  aan sidaa  u sii cuslayn.

Fursadaana waxaa kusoo baxa  Heesaa kale oo ka meeqaam hooseeya, oo  halkeeda dhiga si aad u heer sareysana ugu xaragooda.

AHN Cumar Xasan Rooraaye wuxuu kaalmaha hore kaga jiray Heesaaga inta ay ku luuqaynayaan, Codkoodu sida awooda leh ee toolmoon u baxo weliba aad dareemayso in  dhawaaqa  qalabka  muusiku daba socdo. Waana mid kamid ah derejooyinka uu ka gaadhay Fankii qiimaha lahaa.

AHN Cumar Xasan Rooraaye oo sanadkii 1985kii toos ugu biiray dhaqdhaqaaqii SNM, sida caadada u ahayd Nidaamkii MSBare, waxaa ka mamnuuc ahaa Idaacadaha Dowlada ee kula yaalay Muqdisho iyo Hargeysa, in laga sii daayo heesaha Fanaankasta oo saaxadda Mucaaridka ku  biira.

Balse waxaan usoo joogay  horaantii sanadkii 1986kii galab   aan  saarnaa mid kamid ah Basaskii u kala bixi jiray Magaalada Muqdisho, oo heestii ugu dambaysay ee lagu soo xidhay  Barmaamijkii Dhalinyarada oo uu tebinaayey Siciid Aadan Cali (Siciid-Anteena), ay noqotay  Hees Wadani ah oo uu ku luuqaynayey  AHN Cumar Xasan Rooraaye iyo  Hobolada Waaberi oo la jiibinaayey, Midhaha Heestana waxaa kamid ahaa “Dalaga  dalkeenaa ina Deeqee Debeda kiisa aan diidno, waxaanay habluhu ka daba lahaayeen Alleylehe aan diidno waxaan Dalkeenu lahaynoo debeda laynooga keenay”.

Waxaana Baska aanu wada saarnayn oo weliba Kursi wada fadhinay, Laba nin oo midkood ahaa Muusikiiste ka tirsan Kooxdii Dayax oo Magaciisu ahaa Nuur-Feyte iyo  Weriye ka  tirsanaa  Radyoow  Muqdisho oo la odhan jiray  C/raxmaan Cismaan (C/raxm-Dagaal) sida badana Barmaamijka Ciyaaraha soo tebin jiray.

Waxaanu Nuur Fayte weydiiyey C/raxmaan-Dagaal halka uu ku dambeeyay AHN Cumar-Rooraaye oo qiyaastii aan is idhi aqoon buu u lahaa, Jawaabtii C/raxmaan-Dagaal na siiyey  waxay noqotay “Ninkaas Rooraaye wuxuu ku biiray Kulmista”.  Magacaas oo ahaa kii ay la baxeen Mucaaridkii hubaysnaa ee ka horjeeday nidaamkii MSBare, waxaanu Asal ahaan ka yimi  Idaacadii Jabhadaha SNM iyo SSDF isticmaali jireen ee la odhan jiray RADIO KULMIS. Balse xiliyadii dambe loo bedelay Radyow Halgan.

Dhowr jeer oo dambe ayaanan sheeko ku   maqlay in Cumar-Rooraaye uu ku biiray SNM, hase ahaatee   tan iyo burburkii Dowladii MSBare Idaacadii Raadyow Muqdisho waxaa si joogto ah uga bixi jiray Heesihii uu qaadi jiray AHN Cumar Xasan Rooraaye. Oo isugu jiray Wadani iyo jacayl,  waxaana  halkaa ka cad in Heesaha Fanaankaasi ay gaadheen meel aanay horjoogsan karin cid kastoo Necbayd. Ama kasoo horjeeday.

gabagabadiina waxaan leeyahay inkastoo la duugay oo uu dunida ka dheelmaday AHN Cumar Xasan Rooraaye, waxaase baaqi ah oo inta dunida jirto sii nool taariikhdii iyo tusaalihiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here