MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL Astaantii Siyaasadda Geeska Afrika Geeridiisa ka hor Laba Nin  oo mid sii sheegay calaamadaha Magaalada uu ku dhintay, Iyo Nin ka waramay goobta lagu Aasi doono Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

0
218

MAXAMED X. IBRAAAHIN CIGAAL

Astaantii Siyaasadda Geeska Afrika

Geeridiisa ka hor Laba Nin  oo mid sii sheegay calaamadaha Magaalada uu ku dhintay,

Iyo Nin ka waramay goobta lagu Aasi doono

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

Waxay ahayd Galabnimo Jimce ah, meerto taariikheedku marayso 3.5.2002,  madasha aanu ku suganahay waa Xaruntii Wargeyska Haatuf ee Magaalada Berbera, Xiligu waa casar Mirqaanka qayilaada iyo kulaylka  Xeebtu meel aan la qiyaasi karin  marayaan.

Iyadoo ikhiyaarta golaha fadhida nin  waliba  waayihiisa uu madaxa ku sito, xaaladuna iska degantahay.  waxaa kadinka kasoo gashay Weris Dhaylaawe oo guri xafiiska Haatuf kasoo horjeeday deganayd, iyadoo  aad u naxsan wejigeedana Sas qayral-caadi ahi ka muuqdo ayay tidhi waar Eedo Maxamed Xaaji Ibraahin miyuu dhintay.? Nin Colkayagii golaha fadhiyey,  ayaa sare u yidhi Ma  Madaxweynihii!!!! Intaanay jawaabin ayaan su’aal kale ku celiyey oo aan idhi Eedo xaggaad ka maqashay.  Weris oo anfariirsan   Indhaheedana  ilmo kusoo taagantahay,  Ayaa  intay  madaxa  labada gacmood  saartay  sare u tidhi…….

“ Ilaahoow aan ubadka waaya Iminkay  Jabuuti  sheegaysay. Oo  aan dhegehaygaa ku maqlayey…..!!!  Intaa kadib maxaa dhacay !!! Weris naga tagtay oo Xaafadeedii ku noqotay.

Balse ragayagii fadhiyey qadar daqiiqado ah ayaa  shib nalaga wada dhigay.…iyadoo nala moodo in danab  nagu dhacay oo  laydh  na qabsaday, qofna aanu qof la hadlayn ragga qaarna ay si caadi ah isugu dhexdaadeen oo warka Jabuutiba lagu macneeyay been qaawan iyo inay Somaliland la col tahay.

ayaan la hadlay Nin Suxufi ah oo Hargeysa ku sugnaa waxaanu ii xaqiijiyey in warkani jiro mar dhowna lagu balansanyahay xarunta Madaxtooyada. asxaabtii aanu wada fadhinay oo su’aasha iyo  jawaabta telefoonka ilbidhiqsiyada u dhexeeyey sugi la’aa ayaan warkii ku  taabtay.

Hadalba gam…… markaan dib u milicsado dareenka saacadaas warkaa dhiilada leh. waxaan hubaa haduu jiri lahaa cabir lagu ogaado Noocyadda Naxdinta ee Noolaha ku dhaca, sida looga Argagaxay geerida M/weyne Cigaal qiyaasteedu inay yeelan lahayd  Magac aan hore loo bixin. Intayada madashaa fadhidana kuma koobnayne  caalamka Afsoomaaliga oo dhan ayay ka jirtay.

Markii la gaadhay baahintii galabnimo ee Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC-da qodobkii u horeeyey wuxuu noqday warka Dhimashada M/weynaha. Intaa kadibna Taariikhdii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo uu si tifatiran u tebinaayey Axmed Siciid Cige ayaa soo dhacay,   barmaamij wakhti dheer qaaday  ayaanay ka  diyaarisay.

Saacadaa wixii ka dambeeyayna waxaa is qabsaday oo aad loogu mashquulay qoraalada tacsida ah ee idaacada soo gaadhaayey.

Warka Dhimashada M/weyne Cigaal waxa kale oo si cajiib ah u baahiyay Qaybaha Afafka qalaad ee Idaacadaas, warbaahin badan oo heer caalamina ahina kasii xigteen.iyadoo sharaxaad badan laga bixiyey heerka uu gaadhsiiyey Somaliland mudadii uu M/weynaha ka ahaa oo  Maamul wax badan  u suurtageliyey  ka hanaqaaday. Inkastoo aanay ictiraaf ka helin Beesha Caalamka.

Hadaba Geeridu waa xaq Nafwaliba dhadhamin doonto sida diinteenu inoo sheegtay,  balse shakhsi kasta oo dunida ka dheelmada waxaa ka hadha Taariikh aan dhiman, oo Aduunka baaqi ku noqota, Allaha Raxmaanka ah ayaana Adoomihiisa intay Ifka joogaan u qaybiya una doora Saamiga Qofku dunida ku yeesho taasoo Natiijadeedu ku dhamaato in dadka qaarkii Geeridooda ay u Baroortaan Qoyska iyo Eheliyada uu ka dhashay, Halka Badhkalena Dhimashadoodu ka oohiso Qaran iyo Mujtamac Balaadhan.

Xaqiiqa ahaana Geerida AHN M/weyne Cigaal waxay ahayd mid ay dhamaanba dadka afsoomaaliga ku hadla meel kastoo ay joogaanba ka wada nixisay, inkastoo uu jiray xanuun  sanadihii u dambeeyay ka muuqday,   si weyna   looga dareemayey, miisaankiisuna  aad hoos ugu dhacay iyo Jilbo-xanuun socodku iyo fuulista salaamadu ku adkayd.

25.4.2002 ayaa Xaalad caafimaad loo dhigay Cisbitaal Meleteri oo  ku yaalay Magaalada Pretoria ee Dalka S. Africa.   AHN M/weyne Cigaal oo intuu uu ku sugnaa Cisbitaalkii South Afrika, isagoo nool war been abuur ah laga baahiyey laguna  sheegay inuu geeriyooday, waxa toos ula xidhiidhay BBC-da waxaanu beeniyey jiritaanka warkaas  iyadoo hadalkiisa uu ka muuqday Caafimaad-qab, xaaladiisana   wuxuu ku sheegay inay aad u wacantahay. Balse laba maalmood kadib ayaa warka geeridu soo dhacay.

Hadaba markii la xaqiijiyey Geerida AHN Cigaal,  guud ahaanba geyiga Somaliland waxaa ka  muuqaday xaalad aan caadi ahayn, sawirka guud ee ayaantaasina muuqaal aamusan oo qof waliba goonidiisa uga fekerayo sida wax noqon doonaan ayaa  taagnayd

Walaac ku saabsan muranka siyaasada ee xiliyadaa jiray iyo   inuu sababi karo qarax  gacanta laysula tago ,ayaa dad badan maskaxdooda ka guuxaysay. Waa marka la qiimeeyo halka ay kala taagnaayeen  danleyda siyaasadda oo xifaalatanka  iyo gujada u dhexaysay aan waxba isula hadhin .

Intii lagu gudajiray  baroordiiqda  geerida  AHN M/weyne Cigaal waxaa warbaahinta si weyn u qabsaday dhambaalada tacsida ah ee ka imanaayey dacalada iyo daafaha caalamka,  madax iyo masuuliyiin heer caalami ah,  shaqsiyaad badan oo Magac ku leh Dadka afsoomaaliga ku hadla ayaana ugu duceeyey in Alle naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumka shacbiga Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo.

Hadaba intaanan u gudbin Faahfaahinta dhacdooyin badan oo ku saabsan, wixii aan ka ogaa ama aan uga soo joogay AHN Maxamed X.Ibraahin Cigaal. Waxaa jirta dhacdo aan  weli   xusuustayda ka bixin oo ku saabsan markii iigu horaysay ee aan indhaha saaro AHN Maxamed X.Ibraahin.

Waa badhtamihii Sanadkii 1983kii iyo Dukaan ku yaalay Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho waxaanu  ka koobnaa dhowr meheradood  cida  iska lahaydna waa qoyska   Wiil aanu isku fasal ahayn, oo Caraba laguna  magacaabi jiray Maxamed Cabdalla Maxamed.

Qayb kamid ah waxaa aad looga iibsan jiray,  Jaraa’idka carabiga iyo Ingiriisiga  Bilaha Iskuulku fasaxa yahay ayaan aad ugu badnaa oo aanu Dumnad ku ciyaari jirnay,

Dadka macmiisha ah ee Jaraa’idkaas qaata, ayaanu  kamid ahaa Maxamed X.Ibraahin Cigaal,  sida badana Odayga meherada leh mooyaane cid kale may wada hadli jirin.oo saacadaha qaar ay af-carabi  wax isugu sheegaan.

Waayahaasna wax badan kalamaan socon siyaasada Soomaalida iyo Jileyaasheedii,  balse xili dambe oo  ku beegan 1985kii ayaan Habeen daawaday Telefishinkii Soomaaliya war ku saabsan Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo qaabilay wefti maalqabeeno carbeeda.

Masuulka hadlaya ee Afcarabiga ku khudbadeynayaa waaba odaygii aan ku arki jiray Dukaankii Baaba Cabdalla ee Xamar-weyne. oo  marka uu dukaankaas yimaado Lebiskiisu  u badnaa Shaadh gacmo-dheera, Macawis G’o shaal ah iyo Koofiyad kuwan Ragan dambe  badhaysiga ka dhigeen oo markaa qaali ahayd.

Xafladan uu TV-ga baahinayona  Isku joog Safaari ah ayuu ku gaadhan yahay, Allaah haw naxariistee Aabahay oo meel ii dhow fadhiyey ayaa Nin ay saaxiib ahaayeen  oo Tvga nala daawanaayey ku yidhi Cajiib Ina  Xaaji Ibraahin Cigaal waa sidii  uu Lixdankii ahaa,  odayga kale oo Siciid la odhan jiray kana tirsanaa Wasaaradda Maaliyada ayaa AHN Aabahay ku yidhi Ninkani (Cigaal) waa Weli (Awliyo) miyaanad arkayn Nuurka iyo dhalaalka wejigiisa ka muuqda. berigaa aad sheegayso iminkuu ka da’yar yahay.

Anigoon ka dhexgalin labada oday  Ninkan  ay iska waraysanayaan, xaqiiqa ahaan aan waxba ka aqoon Cigaal iyo waayahiisa, ayaan go’aansaday inaan warkiisa raadiyo.

Wax hadal ah kumaan darsan Odayaasha,  manaan soo qaadin halkii aan ku arkay                 Balse maalin dambe oo aanu  is aragnay Nin Dukaanka shaqaale ka ahaa oo  Jacfar la odhan jiray, ayaan  weydiiyey odaygii  g’o shaalka ah lebisan jiray  ee Jaraa’idka NEWS-WEEK ta iibsan jiray warkiisa.

intuu si  aad ah u qoslay ayuu yidhi “Ninkaan waagii hore somaliya dhan uu madax ka ahaa”. Mudo ka dib oo ku beegnayd horaantii 1986kii ayaan markale maqlay in  1980kii Xukuumadii MSBare kaalmo militeri weydiisatay Dalka Maraykanka

Laakiin waxaa shardi lagaga dhigay inuu xabsiga kasii daayo Maxamed X.Ibraahin Cigaal. Ninka sheekada noo werinaayey oo shaqaale ka ahaa Safaaradii Maraykanka ee Muqdisho wuxuu si balaadhan u sharaxay taariikhdii Siyaasadda ee Cigaal. Inkastoo ay iidheh badani ku jirtay warkiisa.

Hadaba  Intaanan ka warbixin qaabkii uu u dhacay Aaska M/weynaha waxaa jiray Laba dhacdo oo aan goobjoog u ahaa  mid walbana  Markhaatigeedii  hadda Noolyahay  taasoo ku saabsan Geerida AHN Maxamed X.Ibraahin, arinta hore waxay ahayd bishii Oktoobar ee Sanadkii 1999kii oo aan ka tirsanaa Wargeyskii JAMHUURIYA.  M/weyne Cigaal iyo wefti uu hogaaminayey ayaana  booqday dalka Maraykanka.  dhalinyaro reer Somaliland ah oo ku sugnayd Dalkaasi Maraykanka ayaa lasoo xidhiidhay Faysal  Cali Sheekh. Waxaanay u sheegeen Telefoonka laga heli  karo M/weyne Cigaal. Inkastoo aanay suurtagelin inaanu waraysi la yeelano. Balse waxaa JAMHUURIYA helay war kale oo  ku saabsan kulan dhexmaray Jaaliyadda Reer Somaliland ee halkaas ku dhaqan iyo Weftiga Cigaal oo su’aalo badan la weydiiyey.

Hadaba subaxnimadii iyadoo aanu joogno Xaruntii Shirkadda NPP ee soo saari jirtay Wargeysyadda Jamhuuriya iyo The Republican. Aniga iyo Maareeye Faysal Cali Sheekh. Waxaa  xafiiska noogu soo galay Nin aan Wejigiisa garanayo balse aanan Magaciisa aqoon.

Qisadii Telefoonkii xalay JAMHUURIYA kula xidhiidhay iyo  sida ay lama filaanka ugu noqotay Cigaal ayaanu isla soo qaadnay,  iyadoo Sheekadii Socoto ayaa waxaa Noosoo galay Nin u muuqday Suufi markuu cabaar sheekadii Dhegeystay ayuu meel kale noola dhaqaaqay, waxaanu yidhi Horta Ninkaa Ina Cigaal Iga walaan Nin Siyaasad kula tartamaa waxba ka qaadayn.

Laakiin Magaalo dadka ku Nooli cadaan iyo Madow isugu jiraan buu ku dhimanayaa. Toloow ma Dirirdhabaa. Intaa markuu  yidhi ayuu iska tegay. balse Ninkii kale ee ay Faysal Cali Sheekh is garanayeen bay kasoo dhacday dadka noocan ahi waxay sheegaan mararbaa la arkaa.  Markaan dib u xusuustona.  magaalada Pritoria eek u dhintay M/weyne Cigaal waxaa ku wada dhaqan Dad Midabkoodu cadaan iyo madowba ka kooban yahay.

Mar kalena bishii  sadexaad ee 2002. Aniga  iyo  Nin  aanu Saaxiib nahay oo ka mid dhalinta Aqoonyahanka ah ee  ka hawl-gala ha’yadda Wadaniga ah ee GAVO oo lagu Magacabo Maxamuud Aadan Haybe (Cigaal) waxaa goor subax ah Makhaayad aanu fadhinay  oo  ku taala Magaalada Berbera, Noogu yimi Ninkii Caanka ahaa ee AHN Cumar Aadan Cabdile oo (Cumar-Asqo) lagu naanaysi jiray inkastoo uu ahaa Nin Xanuun xagga Maskaxda ahi hayey, balse Sheekadiisa iyo markuu dadka u  waramaayo  hadal macno weyn oo la fahmo ayuu odhan jiray.

Waxaanu Subaxdaas ka waramay inuu ku riyooday iyadoo  banaankaa Xeradda Guutada ee Berbera Somalilandba siday u dhamayd isugu timi oo Dadkuba wada barooranayo, oo la leeyahay  Maxamed X.Ibraahin baa dhintay, oo markii  lasoo dareerayna hadalkii aan sii maqlaayey waxaa kamid ahaa dumar lahaa Waa aduunyo waataa Ina Cigaalba halkaa cidlada ah lagaga Yimi. Sheekadaas AHN Cumar-Asqo waxa kaluu u sheegay Nin Taliye ka ahaa Laanta Socdaalka ee Berbera oo Jidhif la  odhan jiray……

MUCJISADII KA DHACDAY MADASHII AASKA ISBEDELKII  CIMILADDA. GAADIID 10 KUN OO GAADHI KOR U DHAAFAY SI NABAD AHNA U YIMI/KANA   BAXAY MAGAALADA, IYADOON XARIIQI GAADHIN, IN KA BADAN 360.000  Qof  OO GOOBJOOG AHAA,   ILMADII KA DAREERTAY  INTII AY ISUGU FOGAAYEEN,  SALAANTII  KAL IYO LAAB U DHEXMARTAY  COLKII DEERADU DHEXMIRANAYSAY.

KALA SOCO QORMADA XIGTA………..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here