Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka) Q5aad

0
404

q

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,
Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,
Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,
Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,
Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,
Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye,
Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,
Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,
Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,
Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,
Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,
Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 5aad

Hargeysa, 19/1/2016ka,

Riwaayadihii aan ifka arag ee Cali Sugulle uu curiyay intii ‘Kadeedkii’ Oktoobar dalka ka talinayay, waxa ka mid ah mid uu ku magacaabay “Kala fogaa fool iyo lulmo.” Guddidii Faaf-reebka ayaa ka biyo-diidday magacii ka dibna beddel ayaa lagu yidhi. Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad oo sheekadan noo mariyay ayaa noo sheegay in uu Cali Sugulle magacii ku beddelay: “Waa la tolay oo ay oloshay.” Ka-dar oo dibi dhal ma maqli jirteen! Waa tan oo kale. Sidii ayaa Cali Sugulle Riwaayaddaas lagaga joojiyay.

Axmed Saleebaan Bidde oo ka sheekaynayay aqoontii uu u lahaa Cali Sugulle, ayaa yidhi: “Riwaayaddii lagu xidhay waxay ahayd Ooddaynu kala rogan, irridahaynu kala xidhan. Run ahaantii sidii ayuu Cali Sugulle oodda uga rogtay irridihiina uga xidhay ‘Kadeedkii’ Oktoobar oo aanu waxba ugu yeelan suugaantii daadka ahayd ee loo tiriyay maantana aanay suugaantaa guul-wadaynta ahayd waxba uga noolayn iyada oo la dhimatay nidaamkaa ay la dhalatay..

Marka aynu u leexanno caalamka heesaha Cali Sugulle lagagama dabo dhufan jirin. Ereyadu mullaax ayay ahaayeen…….Laxanka ama codkuba xareed ayuu ahaa…….Tumistu heer sare ayay ahayd…….Hooballada ku qaadayaana xulka xulkiisa ayay ahaayeen. Wuxu ku ballaysimayaa qaraamkii iyo codkii Hayaan ee socodka awrka ahaa. Waa beryihii la odhan jiray:
“Qaraamka in ay ku qiirooto,
Aan qaado qasiidadeedii,”

Heesahaa hore waxaynu ka soo qaadan karaynaa heestii hal-hayska noqotay ee “Nin lagu seexdow ha seexan, soo jeed oo si weyn u feejignow” oo ahayd hees siyaasadeed oo la hadlaysay innammadii la doortay iyo abbaanduulahoodii sidii beryahaa la odhan jiray.
Heesaha halkudhegga noqday waxa ka mid ah heesta dhiirri-gelinta shaqo-tagga iyo ka-adkaanta nafta ee “Wallee nin hurdow hallowday dantaa, hadhowna dib looma heli karo.” Nimaan magac ka-miskiin ahayn oo Kuluc la odhan jiray ayaa codkaa ku leexaysan jiray. Waxa kale oo aynu tusaale nool u soo qaadan karaynaa heestii dhaqaalaha iyo kobcintiisaba uu ku dhiirri-gelinayay ee uu sida la yaabka leh u qaadi jiray Cabdi Muxumed Amiin ee ahayd:
“Dhaqaalaheennu ha dhuroobee,
Dhambala ciiddoo ku dhuftaay,”

Heesihiisa dhaqameed ee halkudhegga noqday waxa ka mid ahayd heestii siyaasadeed ee Hiddiiddiiyoo Hiddii. Waxay ahayd hees siyaasadeed oo uu curiyay laguna qaaday 1962kii. Heestaas oo aad u caan-baxday waxa kala-roganayay wiilal iyo hablo ka mid ahaa markaa fannaaniintii Radio Hargeysa oo waa intii aan Kooxda Waaberi la samaynin. Haddii aanu godollo ka soo qaadanno waa kii lahaa:
“Hir bay laacayoo hinqaday,
Hillaac bay baxoo handaday,
Haddana waayayoo hakaday,
Halyeey waayoo habraday,
Haween baan ahoo hamraday,
Hiil iyo midna hoo ma karo,”.
Wiilashuna waa kuwii lahaa:
“Hurdada aawadaa ma ledo,
Hummaaggaagi bay hor kacay,
Hawshaada ma soo hadh galo,
Hawshaan ku la qaybsadaa
Oo harraadkaan kula qabaa,
Oo anigu waan ku la hayaa,
Ee adaan i hagaajinayn,.
Tuducyadaasi waa Heestii dhaqameed ee Hiddiiddiiyoo Hiddii. Beryo danbe ayuu Cali Sugulle ka dheegayaa Hees dhaqameed kale hees Jabuuti ka caan ah oo ay qaaddo Nimco Jaamac oo ah ta halkudheggeedu yahay: “Heey yaa, Alla Hobaalin Hoobaalow waa” oo ka hadlaysay arrimaha ijtimaaciga ah ee guurka oo uu ku luuqeeyay Al-ustad Axmed Naaji Sacad. Heestan qudheeda waxa ku doodayay wiilal iyo gabdho isku eedaynaya guurka burburay iyo qoysaska kala tegay.

Nasiib-wanaag Al-ustaad Axmed Naaji Sacad oo ay Cali Sugulle fan ahaan isku xidhnaayeen, wuxu ka mid ahaa dadkii meydkii Cali Sugulle ka soo gelbiyay Imaaraadka si loogu aaso magaalada Hargeysa. Si wanaagsan oo qiimo leh ayaa Cali Sugulle loo sii gelbiyay oo waxay ahayd geeri-arooskeed. Axmed-Naaji Sacad isaga oo Cali Sugulle iyo Hargeysaba qiimaynayay habeenkii Jimcihii ee 14/1/2016ka, wuxu Hudheelka Hiddo-dhowr ka qaaday heestii Cali Sugulle ee Guri ba’ay. Hiddo-dhowr waa xarun dhaqameed oo cusub oo kaalin la yaab leh kaga jirta soo-noolaynta iyo keydinta guud ahaanba fanka Soomaaliyeed iyada oo lagu ballaysimay codadkii Qaraamka. Dhawaanna waxa xadhigga laga jari doonaa Hoolka yar ee Hiddo-dhowr oo loogu wan-qali doono Ardaaga Maxamed Mooge. Axmed-naaji isaga oo deggen Maansoor Hotel ayaan ka codsaday in uu ii qoro hees-dhaqameeddaa Guur ba’ay ee Cali Sugule, waanu yeelay sidaas oo maanta (17/1/2016ka) barqadii ayuu iyada oo qoran i siiyay. Heestii Guur ba’ayna waa tan ee ka noolaada:
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)