Doorka Ay Siyaasadda Qiimuhu Ka Qaadato Kobcinta Dhaqaalaha!

0
380

Doorka Ay Siyaasadda Qiimuhu Ka Qaadato Kobcinta Dhaqaalaha!

Dajinta siyaasad lagu dhawro qiimayaasha kala geddisan ee macaamilaadku waa mid ka mida siyaabaha lagu gaadho kobac dhaqaale oo dheeli tiran, sida ay waddamadu ugu kala duwan yihiina dhawrista qiimayaashuna waxay dhaxal siisaa inay ku kala horreeyaan horumarka dhaqaalaha. Kor u kac kasta oo ku yimaadda qiimaha, wuxuu keenaa in uu carqalad ku noqdo horumarka, qiimaha oo kor u kac ku yimaaddana waxa ay ka timaaddaa isku dheelitir la’aan ka timaadda dalabka iyo alaabta.

Siyaasadda dhawrista qiimuhu maaha micno ahaan mid lagu xakamaynayo uun kor u kaca, bal se waa mid dabiib iyo daawo isku dheelitir la’aanta uu keeno kor kaca qiimaha iyo hoos u dhacu ba.
Haddaba waxa aynnu qormadeenan ku soo qaadan doonnaa dhawr qodob oo ah mihiimadaha ay siyaasadda qiimuhu u leedahay horumarinta dhaqaalaha.

1. In la dhiso hoggaan u dhexeeya baahida iyo alaabta (To Establish Equilibrium Between Demand And Supply of Goods), si uu horumarka dhaqaalahu u koro qodobkani wuxuu u yahay bud-dhig dhaqdhaqaaqa qiimaha iyo isku jaangoynta heerka loo baahan yahay in qiimuhu kor u kaco iyo in la dhimo, mar kasta oo siyaasad ahaan loo qorsheeyana waxa laga fogaadaa in uu dhaawac soo gaadho maalgashiga loo baahan yahay iyo wax iibsiga la doonaya ba.
2. In lala yimaaddo ama la keeno furfurnaan ama debacsanaan qiimaha ah (To Bring Flexibility In Price) sida dabiiciga ah waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo, isu geynta wax soo saarkoodu wuxuu qaataa wakhti dheer marka loo eego kuwa dhaqaalahoodu ladan yahay, taasina waxa ay keensataa guud ahaan in qiimuhu kacsanaado, arrintaasina waxa ay dhaxal siisaa in hoos u dhac ku yimaaddo dalabka ama wax iibsiga dadka iyada oo saamayntaasina khatar ku tahay kobaca dhaqaale in uu yimaaddo. Sidaa darteed siyaasadda qiimaha ahmiyadda ay leedahay ayaa ah in la dajiyo furfurnaan iyo debacsanaan xagga qiimaha ah si loo yarreeyo saamaynahaas aynnu xusnay iyada oo dib u habayn lagu samaynayo khayraadka dihin.
3. In la xasiliyo sicirka badeecadda (To Stabilize Price Of Consumer Goods) tiir dhexaadka ahmiyadda ay u leedahay siyaasadda qiimuhu ayuu qodobkani ka mid yahay, wuxuu daruurri u yahay in la dhawro asaasiyaadka bulshada si looga badbaado in sicir barar ku dhaco. Siyaasadda qiimaha oo saxarka laga tiraa waxa ay suurraysaa in la gaadho in la kordhiyo wax soo saarka aasaasiga ah iyo maalingalinta mihiimka ah ba.
4. Siyaasadda qiimaha beeraha (Agricultural Price Policy) siyaasadda qiimaha oo ku habboon beeraha iyo tacabkoodu waxa ay noqotaa furaha horumarka, inta badan waddamada ku jira baaxaadegga dhaqaaluhu waxa ay kala badh ku tiirsan yihiin nolosha beeraha, sidaa si la mid ah wax soo saarka waddamadaasi kala badh wax soo saarkoodu waa beeraha. Sidaa darteed siyaasadda qiimaha beeruhu waxa looga dan leeyahay in laga dhawro in qiimuhu sameeyo taasina ay sabab u noqoto in mar na kor kac aan loo baahnayni yimaaddo mar na hoos u dhac yimaaddo, iyada oo taas laga duulayo ayaa lagu salaynayaa in la dajiyo wixii kobcinaya iyada oo laga dhawrayo wixii hoos u dhigaya wax soo saarka beeraha guud ahaan.
5. In la dhiso siyaasadda qiimaha ee shirkadaha ( Price Policy In Relation To Enterprises) inta badan dhaqaalaha kobaciisu wuxu ku tiirsan yahay labada dhinac ee hantida gaarka ah iyo ta guud ba kuwaas oo door muuqda ka qaata kobaca dhaqaalaha , sidaa darteed waxa mihiim ah in la dajiyo siyaasadda qiimaha ee ay raacayaan shirkadaha ganacsigu si aanay u noqon kuwa ka fikira uun dhakhli kordhin, taasina aanay abuurin in hantidu ku uruurto in gaar ah, bulshaduna aanay u noqon dabaqado kala fogaaday. Siyaasadda qiimuhu waa in ay saldhig u noqotaa in aanay kala hadhin kaydinta hantida, maalgashiga iyo wax soo saarku. Waxa yaabaha mihiimka u tahay siyaasaddani ayaa mar walba qiimuhu noqdo mid la tallaabsanaya dakhliga bulshada iyo suuqa si aanay isugu milmin taas oo hagaajinaysa wareega khayraadka iyo soo saarkiisa ba
6. Xidhiidhka ka dhexeeya qiimaha siyaasadda iyo mushaharka (Relation Between Price And Wage Policy) siyaasadda qiimuhu si ay maangal u noqoto mihiimada laga leeyahay ayaa ah in la yarreeyo xajmiga ama culayska ay keensanayaan kor u kaca iyo hoos u dhaca ku imanaya musharka iyo qiimaha, sida dabiiciyaadka ah haddii qiimuhu si degdeg ah u kaco mushar qaatayaashu waxa ay galayaan halgan ah in iyana mushaharkoodu kaco , haddii aannu la kicinna waxa yaraanaya awooddii wax iibsi ee suuqa. Sida oo kale iyada oo aan qiimihii suuqu kicin haddii mushaharku kaco waxa iyana kala badanaya dalabkii suuqa iyo dakhligii. Sidaa darteed labada jeer ba waa naafo ku imanaysa kobaca dhaqaalaha, iyada oo markaas laga duulayo caqbadaas siyaasadda qiimuhu waxay dhawrtaa in lagu ilaaliyo halbeega suuqa.

Haddaba guntii iyo gunaanadkii marka aynnu qodobadaas iyo inta la hal maasha eegno waxa aynnu darreemaynaa ahmiyadda ay u leeyihiin kobac dhaqaale oo la gaadho marka aad qarankeena eegtana waxaad xusuusanaysaa in doorka siyaasadeed ee dhaqaaluhu yahay mid intiisa badan maqan ama aan shaqayn taasina waxay innagu keeni kartaa in aynaan ka dhaqaaqin halka aynnu soo gaadhnay, waxaana loo baahan yahay in aynu dib u eegno sida aynu u halkeer uga dhaqaaqi lahayn uguna dhaqaaqi lahayn waddo in gaadhsiisa soomaalilaand isku filan oo ka faa’iidaysta khayraadkeega dabiiciga oo ka baxda faqriga, taasina waa mid xilkeeda iyo masuuliyadeeda la innooga baahan yahay.
Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com