Weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ee ku sugnaa gobolka Saraar ayaa uga si gudbay maanta gobolka Sool, gaar ahaan degmada Adhi-cadeeye oo si hagar la’aan ah oo miisaan leh loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynuhu waxa uu kaga qaybgalay adhi-cadeeye shir balaadhan oo wakhtigan socda wararkiisana aanu idin soo gudbin doono saacadaha soo socda. la socod wanaagsan