Daawo Maayarka Caasimada Hargeysa Md.C/raxmaan Soltelco Oo Hadhimo Sharafeed balaadhan ku Maamuusey Ciidanka Dab-demiska iyo Maamulka Dagmada Gacan libaax

0
372

Daawo Maayarka Caasimada Hargeysa Md.C/raxmaan Soltelco Oo Hadhimo Sharafeed balaadhan ku Maamuusey Ciidanka Dab-demiska iyo Maamulka Dagmada Gacan libaax

Hargeysa(Warsugannews)-Maayarka Caasimada Hargeysa Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa Hadhimo Sharafeed balaadhan ku Maamuusey Ciidanka Dab-demiska iyo Maamulka Dagmada Gacan libaax
<iframe width=”640″ height=”360″ src=”https://www.youtube.com/embed/FHVzlkbl0wg” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>
Munaasidabadan Qado sharafta ah oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka qabsoontay Xarunta Ciidanka Dabdamiska Caasimada Hargeysa iyadoo isla markaasina ay kasoo qeyb galeen, Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Gudida Horumarinta Caasimada Hargeysa Xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, Xoghayaha Fulinta Dowlada hoose ee Hargeisa, Aggasimaha Maamulka iyo lacagta Dowlada hoose ee Hargeisa, Wafti ka socdey dagmada Cardiff ee dalka ingiriiska iyo sidoo kale marti sharaf kale oo aad iyo aad u tira badan,
Ugu horayn waxa madasha hadalo kooban oo mahadnaqa kasoo jeediyey Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Mudane C/qaadir Cumar Xaashi isagoo isla markaasi si weyn ugu mahadnaqay Maayarka iyo dhamaan Masuuliyiinta kala duwan ee Golaha Deegaanka Hargeysa isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”Madadsanid Mudane Gudoomiye/Mayor aad iyo aad baan kaaga mahad celineynaa maamuuska iyo sharafta aad la garab taagan tahey dhamaan xubnaha ciidanka dab-demiska iyo waliba taageerada dhaqaale ee aad la garab taagan tahey adiga iyo golaha deegaanka Caasimada Hargeysa-ba”
Sidoo kale waxa isna Madasha hadalo kasoo jeediyey Maayarka Caasimada Hargeysa Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco isagoo isla markaasina madasha uga mahadnaqay Guud ahaan Ciidanka Dab-damiska iyo Masuuliyiinta Degmada Gacan Libaax ee Hargeysa oo uu xusay inay Amaan iyo Mahadnaq ku mutaysteen sidii milgaha lahaa ee ay uga qayb-qaateen Xuskii Qaranimada Somaliland ee 18 May oo uu Maayarku Xusay in ay Kaalinta ugu saraysa ka Galeen Ciidanka Dab-damiska iyo Degmada Gacan Libaax