Daawo: Madaxweyne Donald Trump Iyo Raysal Wasaaraha Australia Oo TelefoonKu DagaalamayWarbaahintana U Cadeeyay

0
337

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Raysal Wasaaraha Dalka Australia Malcom Turnbull, ayaa xidhiidh telefoon isku af dhaafay, doo iyo muran adagna wada yeeshay, ka dibna iyagoo cadhaysan ku kala tagay.
Sida wargeyska Washington Post ku warantay, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wada hadal uu telefoon kula yeeshay Raysal wasaaraha Australia si adag uga cadhooday, kuna dhigay telefoonka, ka dib markii si adag loo wada hadlay, hadalkuna ka xumaaday, cadhada Trump ayaa ka dhalatay, heshiis Madaxweynihii ka horeeyay Barack Obama La Galay dalka Australia Oo qaxooti Maraykanku kaga soo qaadayay Australia, kaas oo uu si adag u diiday Trump, raysal wasaaraha Australia u sheegay in heshiiskan ay wada galeen labada waddan ee Maraykanka iyo Australia, labada hogaamiye ayaa qiray dagaalka telefoonka ku dhex marya.