Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Guddoomiye-Yaasha Xisbiyada UCID Iyo WADDANI
Hargeysa-04-02-2018-(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Axad ah kulan gaar ah xarunta qasriga madaxtooyada kula yeeshay Gudoomiyeyaasha labada xisbi-mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe), waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan xisbiga KULMIYE.
Kulankan oo ahaa mid daba socday kulamo hore oo ay wada yeesheen asxaabta mucaarid iyo madaxweynuhu, salkana loogu dhigayey sidii mucaarid iyo muxaafidba danta guud meel loogaga soo wada-jeedsan lahaa, ayaa lagaga arrinsaday arrimo door ah oo ay ugu horrayso nabadgelyada dalka, gudo iyo dibedba, in indho dheeraad ah loo yeesho lagana wada shaqeeyo mucaarad, xukuumad iyo shacbiba.
Waxyaabaha kale ee kulankan diiradda lagu saaray, ayaa waxa kamid ahaa sidii wada-jir loogaga wada-shaqayn lahaa in aanay doorashadooyinka sanadaha soo socda dalka ka astaysani dhaafin waqtigii loo qoondeeyey, xil weynna la iskaga saari lahaa qabsoomidoodda, iyo ka wada-shaqaynta arrimaha la xidhiidha abaaraha kasoo cusboonaaday gobollo dalka kamid ahna si weyna la isula gorfeeyey.
Kulankan, ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad, waxaana ay madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi qaran isla garteen in muhiimad gaar ah la siiyo danta guud ee qaranka, isla markaana meel looga soo wada jeedo.