Daawo Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo iyo Bulshada Gobolka Hawd Oo Taageerey Maalgalinta Dekada Bebera‏

0
371

Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo iyo Bulshada Gobolka Hawd Oo Taageerey Maalgalinta Dekada Bebera‏
Bali-gubadle(Warsugannews) Masuuliyiinta Heergobol iyo Heer Degmo ee gobolka hawd iyo sidoo kale Waxgaradka odayasha Gobolkaasi Hawd ayaa kulan ay iskugu yimaadeen Magalada Bali-gubadle ee xarunta Gobolka Hawd waxay si Buuxda u Taageereen Meel Marinta Heshiiskii Xukuumada somaliland iyo Shirkada DP Word ee Maalgalinta Marsada Berbera.kaasi oo ay dhawaan Ansixiyeen Golaha Wakiila Somaliland .

Masuuliyiinta Heergobol iyo Heer Degmo ee gobolka hawd iyo guud ahaanba Waxgaradka odayasha Gobolkaasi Hawd waxay Xukuumada Somaliland ku Bogaadiyeen Maalgalinta lagu Samaynayo Dekada Magaalo Xeebeeda Berbera. isla markaana waxay Arintaasi ku Tilmaameen Talaabo Horumarineed oo u soo korodhay Guud ahaanba Qaranka Somaliland