Wasiir Baashe Cali Jaamac: Halyey Baal-dahab ah ka galay Taariikhda Somaliland iyo Nabadaynta Gobolada Barri.

0
808

Wasiir Baashe Cali Jaamac: Halyey Baal-dahab ah ka galay Taariikhda Somaliland iyo Nabadaynta Gobolada Barri.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac Waxa uu Noqday Bil Cusub oo u dhalatay Bulshada Reer somaliland, waxa uu dedaal dheer u galay sidii uu u badbaadin lahaa qarankan, u soo hoyin lahaa beelihii Maqnaa , meeshana uga saari lahaa siyaasiyiinta aaminsan mabda’ii soomaali weyn ta ahaa ee ka soo jeeda gobolada bariga somaliland.
Bishii la soo dhaafay wasiir baashe cali jaamac waxa uu Barri ka yagleelay shirkii ugu Balaadhnaa ee ay iskugu yimaadaan Beelaha Maxamuud Garaad oo ka tirsan beelweynta dhulbahante laguna qabtay Degmada Awr-boogays, waxaana lagu gaadhay heshiisyo guul ku hogaamiyay somaliland keenayna in beelihii kale ee dhulbahante sida Axmed Garaad iyo Faarax garaadna ku dhiiradaan inay Somaliland waddahadalo la galaan, yaqiinsadaana in dalka ay u dhasheen yahay somaliland, aanayna waxba u u oolin Koonfur.

isla bishan gudeheeda Baashe Cali jaamac waxa uu qaaday talaabo kale oo la tilmaami karo, waxa uu tusmadiisa lahaa wadahadalka reer somaliland oo dhami ku naaloonayaan ee u dhexeeya Kooxdii Khaatumo ee somaliland diidka ahaa uuna hogaamiyo Profiserkii ka dibooday somaliland ee Cali Khaliif Galaydh, waxaana uu tiir dhexaad ka yahay isu soo dhaweynta somaliland iyo Maamulkii Khaatumo, oo hada qarka u saaran inay si toosa ugu dhawaaqan inay isu soo dhiibaan somaliland waxna la qaybsadaan walaalohoodii Lixdankii ee ay wax wada lahaayeen.

Wasiir baashe cali jaamac waxa kale oo uu waxqabad baahsan ka muujiyay, waxqabadka muqda ee wasaarada biyuhu ay gaadhay 20-kii sanadood ee ugu danbeeyay, waxa uu dardar geliyay biyo balaadhinta Gobolada Togdheer, awdal iyo Sanaag wuxuuna dhaamkii ugu horeeyay uguna weynaa uu ka yagleelay gobolka sool, sidoo kale waxa uu gacanta ku hayaa hada mashruuca biyo-balaadhinta Gobolka maroodi-jeex ee Xunbo weyne, wuxuuna ku caan baxay inuu noqday siyaasi aan fadhiisan oo habeen walba warbaahinta buuxdhaafiyay socdaaladiisa nabadayneed, kuwiisa wax qabad iyo qorshayaashiisa qaran baahineed.

Waxaan u holaday maqaalkan in aan u muujino wasiir Baashe in Bulshadiisa reer somaliland u ogtahay dedaalka iyo daryeelka uu dhexda u xidhay, ilaahay ha ku guuleeyee waxaa mahada koobaad iska leh rabigii dalkan ka dhaliyay, waxaan isla la iloobi karin madaxweynihii qarankan wasiirka uga dhigay, wallow uu horena xukuumadihii hore ee somaliland wasiir uga soo ahaa.
Gebogebadii waxaan ilaahay uga baryaynaa hawlaha nabadaynta iyo isu soo dhaweynta uu barriga ku wado in uu ku guuleeyo, sidoo kale waxaan xukuumada iyo bulshadaba ku boorinayaa in lagu abaal mariyo wasiir baashe Bilad sharaf.

Yuusuf Shiine 2016