Daawo SOOL: Waxgaradka oo baaq nabadeed u Diray Colaadda Degmada Dharkayn

0
295

Ka dib iska hor’imaad maanta labo Ardaa ku dhexmaray deegaanka Dharkayn ee Koonfurta Gobolka Sool kaas oo aan la ogayn khasaaraha ka dhsahy ayaa waxaa dhinacyada halkaa isku haya baaq nabadeed u diray Guddiga horumarinta Gobolka Sool oo kulan degdeg ah ku qabtay magaalada laascaanood.waxana ay ka dalbadeen in la joojiyo xabadda, wadahadal-na la isugu yimaaddo, Xukuumada Somaliland-na waxay ka codsadeen in ciidamada amnigu si degdeg ah ku kala dhexgalaan labada dhinac si loo xakameeyo khasaaraha.
Wararkii hordhaca ahaa ee colaadaasi ka soo baxay ayaa sheegayey inay ku dhinteen ilaa 14 ruux, laakiin lama hayo warar sugan oo caddaynaya xadiga khasaaraha ee halkaa ka dhacay.