DAAWO:Agaasimaha Guud ee Wershadaha Somaliland oo Si Cilmiyeysan uga Hadlay Muhiimadda ay Wasaaradda Wershadahu ugu Fadhido Qaranka Somaliland

0
372

DAAWO:Agaasimaha Guud ee Wershadaha Somaliland oo Si Cilmiyeysan uga Hadlay Muhiimadda ay Wasaaradda Wershadahu ugu Fadhido Qaranka Somaliland

Hargeysa(warsugannews):-Agaasimaha guud ee wershadaha Somaliland Md.Farxaan Aadan Haybe, ayaa si cilmiyeysan uga xog waramay muhiimadda ay wasaaradda Wershadahu ugu fadhido qaranka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in wershadahu ay yihiin barta kaliya ee ay ka horumareen dawladaha ku horumaray dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda ee casrigan aynu joogno hoggaamiya dunida aynu ku nool nahay, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in Wershadahu ay ka qeyb-qaataan kobcinta dhinacyada dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo weliba isku filnaanshiyaha ummaddeed.

Md.Farxaan Aadan Haybe, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta qaar ka mid ah warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa, waxaana kale oo uu soo bandhigay caqabadaha illaa hadda hortaagan helidda iyo sida oo kale hirgelinta hanaan Wershaddeed oo ka tisqaada qaranka jamhuuriyadda Somaliland.