Dagaaladii SNM ku Soo Gashay Hargaysa iyo Burco W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
909

Dagaaladii SNM ku Soo Gashay Hargaysa iyo Burco
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Naqshadii Dagaalka Ee SNM Ku Soo Gashay Hargaysa, Burco iyo Gabiley.
Ciidankii loogu talogalay inuu qabsado Hargaysa, Burco iyo Gabiley waxa loo qaybiyey saddex qaybood oo kala ah:
1. Aagga Bari ee Burco waxa galay 1,300 oo askari waxaana hogaaminayey Axmed Mire oo ay kaalinayeen Aadan Saleeban Cali, Xuseen A. Hurre, Xasan Cali Abokor iyo Axmed Macalin Haaruun.
2. Aagga dhexe ee Cadaadlay waxa galay 900 oo askari waxaana hogaaminayey Xuseen dheere, Axmed Xasan Wayso-cadde, Maxamed Cali iyo Maxamed Jaamac Sabban.
Aagga Galbeed ee Hargaysa waxa galay 1400 oo askari waxaana hogaaminayey C/rahmaan Aw Cali Faarax, Muuse Biixi Cabdi, Max’ed Cilmi Galaan, Ibraahin C/laahi Dhego-weyne, Axmed Dhagax, C/laahi Askar, Gacma-dheere, Dayib-Guray iyo jidgoyn oo uu Xasan Yoonis Habane hogaaminayey oo dhinaca Gabilay abaaray.

Dagaalkii Burco lagu soo galay 27/5/1988
Kayse Jaamac Kaahin”keyse-Geel-jire” oo ka mid ahaa ciidankii galay Burco ayaa ka waramay siday xaaladu ahayd” shidaalkii ay dawlada itoobiya na siisay ee ay tidhi dib ugu soo guura ayaanu ku soo dhaqaaqnay. Waxaanu ka soo dhaqaaqnay tuulada Samatar Axmed. Waxaanu ahayn 70 gaadhi oo 11 ka mid ahi yihiin tikniko. Waxa nalagu amaray inaan gawaadhida laga degin ilaa Burco la tagayo. Haddii dagaal dhexda idinku qabsado, xabad ma ridi kartaan, afar gaadhi oo ciidan saarnaa oo la qorsheeyey mooyee.
Goor casar ah ayaanu soo dhaqaaqnay, habeenkii oo dhan waanu soconay, saddex meelood ayuu dagaal nagu qabsaday, waanu ka adkaanay. Markay saacadu ahayd 6-dii subaxnimo 27/5/1988-kii ayaanu markiiba guuto kastaa weerartay xeradii loo xilsaaray inay qabsato. Isla subaxiiba dhawr xero ayaanu gacanta ku dhignay. Waxaanu dilnay taliyihii gaaska 3aad ee milatariga, taliyihii Booliska qaybta togdheer iyo saraakiil kale. Weerarku wuxuu ahaa nooca loo yaqaan ka dhextooska. Dagaalkii ayaa ku fiday guud ahaan magaalada oo waxa nagu soo biiray dad badan oo magaalada ku noolaa. Ka dib waxaanu helnay dhalinyaro farabadan oo dagaalkii nala gashay”.

Dagaalkii Hargaysa lagu soo galay 31/5/1988
Ciidankii loogu talogalay inay Hargaysa qabsadaan, waxay ka soo dhaqaaqeen tuulada Balli-samatar, waxayna soo mareen wado ay samaysteen oo geedo ka baneeyeen. Waddadan ilaa imika waxa la yidhaa Wado Halgan. Ka dib waxay soo dul istaageen masalaha oo Hargaysa duleedkeeda ah goor makhrib ah. Halkaasina waxa ku horjoosaday ciidan xoogan oo ahaa kuwii Max’ed Siyaad Barre (Faqash). Markay habeen madow noqotay ayuu nin ka tirsan askartii SNM weydiiyey, Dhego-weyne, maxaynu yeelnaa? Iyo xaalada inuu ka waramo.
Wuxuu ugu jawaabay” horta galabta cid kasta waa ku jiq, inaga waa inagu jiq oo xagga dambe iyo xagga horaba waa la inaga fadhiyaa, Max’ed Siyaadna(Faqashta) waa ku jiq oo waxay ogyihiin inaynaan dib u laabanayn, shacbigana waa ku jiq oo dushoodii ayaa la isku haystaa”. Bal doon doon waddo aan ta Ina-naxar ahayn oo Hargaysa laga gallo. Markii dambe ayuu Max’ed Jaamac Dhadoon ayaa loo diray, waxaanu soo helay wado Sh. Cumar Yuusuf sii qoday oo agtooda ah, halkii ka soo galeen, waxayna dagaal kedis ah ku bilaabeen taliskii qaybtii 26aad oo Gen. Moorgan fadhiyey. Gen. Moorgan cagtuu wax ka deyey. Islamarkiiba waxay si deg deg ah ku weerareen xeradii Birjeex. Ka dib dagaalkii ayaa ku fiday magaalada. Waxaana ku soo biiray dad farabadan oo magaalada ka baxay.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
CaliCoomay@hotmail.com
Hargaysa, Soomaalilaan
Tix-Raac:

Cali Qoryooley……..Cibaarooyinka Qarniga (2003).