Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiida Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dawlada Cuman.

0
340

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiida Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dawlada Cuman.

Hargaysa(Warsugannews)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Waran Cadde ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socday Madaxtooyada Dawlada Cumaan .

Waftidan oo uu hogaaminayey dhaxal sugaha Boqortooyada Cumaan General Nuux ayaa ujeedada socdaalkoodu ay ahayd sidii ay usoo indho indhay lahaayeen xaalada amaan iyo ta maalgashi ee dawlada Somaliland .

Waxaana wasiirka arrimaha gudaha ay kala hadleen xaalada amaan ee dalka isga oo wasiirku ku qanciyey ugana xog waramay in guud ahaanba dalka Somaliland uu amaankiisu yahay mid sugan isla markaana ku qanceen lana qaateen .

Dhinaca kale waftidu waxa ay Wasiirka Arrimaha Gudaha kala hadleen sidii loo mataanayn lahaa isla markaana ay xidhiidh dhinaca amaanka ay ay u wada yeelan lahaayeen Dawlada Cumaan Iyo Dawlada Somaliland.

3

2

3