Dalka Imaaraadka Carabta oo la gaadhsiiyey dhambaal Tacsi Madaxweyne Siilanyo u diray

0
390

Dalka Imaaraadka Carabta oo la gaadhsiiyey dhambaal Tacsi Madaxweyne Siilanyo u diray

Hargeysa- Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu maanta u gudbiyey xukuumada Imaaraadka Carabta tacsi Madaxweynaha Somaliland ugu diray geeridii Sheekh Rashiid bin Maxamed bin Makhtuum.

Mr. Baashe Cawil oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegay inuu maanta u gudbiyey xafiiska Raysal-wasaaraha Dubai Sheekh Maxamed bin Rashiid al Makhtuum, tacsidii Madaxweyne Siilanyo ugu diray geerida inankiisi Sheekh Rashiid bin Maxamed oo dhowaan si kedis ah wadnahu u istaagay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah maanta u diray Madaxweynaha iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta.

Dhambaalka tacsida Madaxweyne Siilanyo oo afhayeenkiisu soo saaray ayaa lagu sheegay, “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Madaxweynaha iyo Shacbiga imaaraadka Carabta oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid Sheekh Rashiid bin Mohamed bin Rashid Al Maktoum oo uu Madaxweyne ku-xigeenka dalka Imaaraadka Carabta isla markaana ah xaakinka Dubai Sheekh Mohamed bin Rashid Al Maktoum uu dhalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo madaxda imaaraadka carabta gaar ahaana aabihiina uu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka


Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here