Dallada SYNA oo Dhalinyarada Somaliland u soo Bandhigtay Fursad ay kaga Tashadaan Aayahooda iyo Madal ay iskugu iman karaan W/Q: Mustafe Osman

0
357

Dallada SYNA oo Dhalinyarada Somaliland u soo Bandhigtay Fursad ay kaga Tashadaan Aayahooda iyo Madal ay iskugu iman karaan W/Q: Mustafe Osman

Dallada Wacyigelinta iyo iskuxidhka Dhalinyarada Soomaliland ee SYNA oo Dhowr sano ka hor ay Magaceeda Shaaciyeen Dhalinyaro Reer Burco ahi, isla markaasna lagu keenay fikir ka dhashay Doodo ay dhalinyaradu is weydaarsadeen oo ubadnaa ka hadalka Dayaca haysta Dhalinyarada,

Dooddaas oo maxsuulkeedi noqdo in dhalinyaradu iyadu kow ka tahay Caqabadaha haysta maadaama aanay jirin cid kooto ku xidhan karta kuna xidhatay magaca dallad dhalinyaro ayna dhalinyarada u furantahay madalo kale oo ay ku qanac san yihiin oo iska wada dhex arkaan dhalinyarada gobolada dalku kagana tashadaan aayahooda,

waxana doodahaas kadib la isla afgartay in iminkadaas la joogoba la keeno magac la qaato oo dhalinyarada lo so bandhigo si cid kasta oo saluugsan qaab hawleeedka dallada Sonyo ay u iman karaan SYNA u qaadan karaan fikir iyo aragti md ah, laga soo bilaabo wakhtigaas oo ay fikradda keeneen dhalinyaro shaqaysata oo an wakhtigaas bilaa camal ahayn oo jaaniskoodu kooban yahay lakin ka damqanayey dhibaatooyinka dhinac walba ka haystay dhalinyarada may helin dhalinyaro badan oo fikirkaas wali la fahamta wallow aan odhan karo dedaal badan ba may gelin inay fikirkooda dhalinyarada u wada bandhigaan oo ka dhaadhiciyaan,

maadaama dhinac na ay ka noqdeen dhalinyaro shaqooyin badan isku haystay oo iyagu ka mid ahaa dhalinyarada aanay saamaynin dhibaatoyinka dhalinyarada haystaa haddana may hawlyaraysan ee waxay ku dedaaleen inay fikirka magaca iyo maxsuulka danbe ay yeelan doonto ba u bandhigaan dhalinyarada, waxa madal kasta oo maankoda ay dhalinyaro kale ka keenaan isbaaro u noqday oo markiiba dadku liqi kari waayayaan markay arkaan sida ay SONYO noqotay taasoo ay u fasiranayaan qaar badani inay dallad kasta oo la sameeya sidaas noqonayso,

balse taas badalkeeda waxay dhalinyarada Fikirka Dallada SYNA keenay ku dedaalayaan weli inay dhalinyarada tusaan kalsoni ay iyagu wax kaga bedeli karaan qaabka, magaca iyo sumadda ba taaso ku tusi karta in hadhow aan lagu murmin ee ay noqoto wax la wada lahaa oo qof ba in ku darsaday, dhalinyarada Somaliland waxay kaga bixi karaan marxaladda ay ku jiraana waa isku duubni, kalsooni, aqoon aragti dheer iyo dedaal badan, sidaas darted SYNA waxay mar walba baadigoobaysa dhalinyarada baadigoobka intaas ugu jira ee ka madhan qabyaalad, qof jeclaysi, iyo dano gaar ah, waxayna dhiirigelinaysa wada jirka, isku xidhnaanta iyo mataanaynta aragtiyaha filiqsan ee aqoonyahanka Da’da yar waxayna dhalinyarada Hor dhigtay Dhalinyaro ma doonayna oo dhab ma inaga tahay inaynu xuquuqdeena rasmiga ah helno? Ma doonaynaa inaynu innagu wax iska dhigno ee aynaan cidna u daba fadhiisan wax ahaansheeheena? Ma doonaynaa inaan soo celino miisaankeena dhalinyarnimo? Hadday Jawaabtenu tahay Haa aynu midowno iskaashano oo isku nimaadno taasaynu ku gaadhi karnaa wada jir buux kagana maarmi karna cid kasta oo Magaceena ku qadhaabata, kuna ridi karnaa cid kasta oo cadow ku ah jiritaankeena maskaxeed, fikir iyo horumareed.

Allaa Mahad leh

Mustafe Osman
Burco Somaliland