Danood: Khasaaraha Dagaal Ku Dhex Maray Laba Beelood Degaanka Baliyo-Xasan iyo Qaar Ka Mid Ah Magacyadda Dadka Ku Naf Waayey

0
669

Baliyo Xasan (Warsugan) Deegaanka Baliyo Xasan oo dhanka koonfur bari kaga beegan Gaashaamo gaar ahaana degmada Danood ayaa waxaa shalay ku dagaalamay laba beelood oo wada dega deegaankaas, halkaas oo uu ka dhashay khasaare sababay dhimasho iyo dhaawac.

Waxay dhimashadu gaadhay 10 qof oo ah beelihii uu dagaalku dhex maray, kuwaas ka soo kala jeeda dhalasho ahaan. Buuhoodle(Dhulbahante) iyo gobolka Togdheer(Habaryoonis).

Lix ka mid ah magacyada labada dhinac ee geeriyooday oo Wargayska Warsugan uu u xaqiijiyey Aftax Maxamuud Cawke, inkasta oo aanan helin magacyadooda oo dhamaystiran, waxaanay kala yihiin 1. Ismaaciil Aw Yaasin, 2 Fu’aad-shaarub Cabdi Cali Koor. 3. Ina Axmed Ciise Dalab.

Sidoo kale dhanka Buuhoodle dadka ku naf waayey dagaalka ayaa nala xaqiijiyey tilmaanta saddex qof kuwaasi oo kala ah 1. Ina Mixile Dhible. 2. Ina Xasan Jiis. 3 Ina Maas.

Waxaa jira dhaawacyo labada dhinac ah, in kastoo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhaawaca.
Dagaalkan ayaa ka qarxay baraag laga sameeyey deegaanka, waxaanay dadka xogogaalka ahi sheegeen inay qaboojinta dagaalka soo kala dhex galeen ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee ku sugan Danood iyo odayaasha deegaanka qaar ka tirsan.

Warsugan-Hargeysa

warsugan15@gmail.com