Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Maayarka Berbera Iyo Xildhibaan Dhag-carmo Ku Eedeeyey Inay Ka Masuul yihiin Wixii Ka Dhaca Dhulka Dulcariish Hotel Ee Berbera Oo Ay Rabaan Inay Awooda Dawlada Ku Boobaan

0
523

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Maayarka Berbera Iyo Xildhibaan Dhag-carmo Ku Eedeeyey Inay Ka Masuul yihiin Wixii Ka Dhaca Dhulka Dulcariish Hotel Ee Berbera Oo Ay Rabaan Inay Awooda Dawlada Ku Boobaan

Hargeysa(WARSUGAN)- Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sheekh Sayid Maxamed Sayid C/laahi oo maanta warbaahinta ku hadlaayey Caasimada Hargeysa ayaa waxa uu eedayn kulul usoo jeediyey Maayarka Magaalada Berbera Mr.C/shakuur Cidin iyo Xildhibaan Dhag-carmo oo isna ka tirsan golaha deegaanka ee Degmada Berbera kuwaasi oo uu sheegay inay rabaan inay xilka ay ummadda u hayaan ku dhacaan hantida bulshada isla markaasina ay in mudo ahba ku hawlanaayeen sidii ay u bililiqaysan lahaayeen qaybo kamida dhulka hotelka qadiimiga ah ee Dul-cariish Hotel oo magaalada berbera kuyaalay in ka badan nus qarni isla markaasina soo jiray ilaa xiligii gumaytuhu haystay dalka

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sheekh Sayid Maxamed Sayid C/laahi oo ah masuulka qoyska leh mulkiyada Dulcariish Hotel ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa” waxan halkan kaga hadlayaa arin maalmihii u danbeeyey ka taagnaa magaalada berbera gaar ahaan dhulkii Dulcariish hotel oo Maayarka Magaalada Berbera Mr.C/shakuur Cidin iyo Xildhibaan Dhag-carmo oo isna ka tirsan golaha deegaanka ee Degmada Berbera ay rabaan inay rabaan inay xilka ay hayaan ku dhacaan hantida bulshada isla markaasina ay in mudo ahba ku hawlanaayeen sidii ay u bililiqaysan lahaayeen qaybo kamida dhulka hotelka qadiimiga ah ee Dul-cariish Hotel oo magaalada berbera kuyaalay in ka badan nus qarni isla markaasina soo jiray ilaa xiligii gumaytuhu haystay dalka “

Dhinaca kale Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi waxa uu baaq usoo jeediyey Xukuumada iyo dhamaan Bulsha-weynta Somaliland oo uu uga marag dhigay in wixii dhibaato ee ka yimaada boobkaas cadaanka ah ee ay hantidoodii ku rabaan inay ku dhacaan Maayar Cidin iyo Xildhibaan Dhagcarmo oo uu sheegay Inay isku kaashadeen sidii ay ummadda xoolaheeda u dhici lahaayeen isla markaasina ilaa sanadkii 1991-kii dadaal dheer ugu jiray sidii ay u boobi lahaayeen hantida Dulcariish Hotel.