Danyar Koris Mise Deni Kalkaal?

0
418

Danyar Koris Mise Deni Kalkaal?

Qailnka: Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Maxamed Xaashi Dhamac oo ku magac dheeraa Gaarriye IHN, ayaa mar uu geeraar ka tiriyey dhibaatadii bilawgii sagaashanaadkii, waxa uu ku bilaabay: Hadraawoow In dhoweydba sidaydii ma ahaynoo, waxaan ahay nin arkaaya, maanka laagga ogsooniyo, Asaraarka dhexyaalla, Isha laacu u muuqdo. Dhawr maalmood ka hor ayaa Baarlamaanka Somaliland waxa ka dhacday, arrin aan hore uga dhicin. Waxa gacan isula tegey labadii Mas’uul ee golaha ugu sarreeyey. Waa Guddoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisii Baashe. Waa ay dhici jirtay in golaha buuq ka dhaco ama gacan ka hadal uu dhexmaro xubnaha Baarlamaanka, laakiin labada mas’uul ee ugu sarreeya waa markii ugu horreysay. Haddaba, wixii dhaca ee kaa yaabiya, waa in aad wax ka barataa. Waxa kale oo aad ku baraarugaysaa, arrinta intaa le’eg maxaa keenay. Dhawr arrimood ayaa u baahan in aynu sii iftiinsanno. Waa marka hore’e sidee gacantu ku timi? Waxa nasiib wanaag ah saxaafaddii xorta ahayd baa dhexjoogtay golaha dhexdiisa, qofkii arkay siday wax u dhaceen, waxa uu fahmi karaa wax badan. Fahamka ugu horreeya waxa uu arkayaa in guddoomiye ku xigeenku uu go’aansaday in uu shirka isagu guddoomiyo, iyadoo uu guddoomiyuh sheegay in aan Mooshinkaas maanta loo codayn doonin. Waxa u baahan in aynu fahamno, sida guddoomiye xigeenku u doonay in uu maroorsado awooddii guddoomiye. Haddii uu xataa qaldamay guddoomiyuhu oo xeerka uu cuskaday aanuu jirin, waxa u furnayd guddoomiye xigeenka in uu marka laga baxo uu shirguddoonka u yeedho, una iftiimiyo waxa uu qalday guddoomiyuhu. Marnaba ma haboonna mana habboonayn, in uu guddoomiyaha go’aankiisa ka horyimaaddo isla goobta la fadhiyo. Taasi mustaqbalka ayey dilaysaa awoodda guddoomiyaha baarlamaanka. Isku dayga maroorsiga awoodda guddoomiye ee ku xigeenku isku deyey, waxa ka sii darnayd, arrin kale oo aynu u baahannahay in aynu fahamno. Dalalka ay ka taliyaan kelitaliyeyaashu, waxa calaamad u ah in aan Baarlamaanku wax awooda lahayn. Wax kasta oo madaxweynuhu soo gudbiyo waa in ay oggolaadaan oo saxeexa ku duugaan. Haddii uu guddoomiyaha Baarlamaanku ka horyimaaddo go’aanka madaxweynaha, waxba kuma jabna in uu askar u soo diro oo guddoomiyaha la soo xidho. Xaalku marka uu sidaa yahay, macnaheedu waxa weeye dalkaasi xor ma aha, wadatashina mallaha ee nin baa ka taliya. Ilaa imminka taa ma aynu gaadhin, laakiin eray uu yidhi guddoomiye ku xigeenku ayaa u baahan in hoosta iyo dushaba laga xarriiqo. Waar askartii meeday ayuu yidhi guddoomiyuhu isagoo u jeeda dee ha na kala qabtaan, illayn gacan bay taagantahaye. Waxa uu ugu jawaabay guddoomiye ku xigeenku hadal aan qoris u baahnayn oo ku sii ladhay “Askartu xaggay kuu joogtaa?” Macnaha meeshaa ku jira waa muhiim. Askartu in ay u shaqayso xukuumadda markaa jirta waa nidaamka foosha xun ee Afrikaanka iyo Carabtaba dib u dhigay. Askarigu waa in uu yahay askari Qaranka u shaqeeya, ee maaha mid xukuumadda u shaqeeya. Dabcan haddii xukuumaddu Qaranka u shaqaynayso, haa, Askariguna dee xukuumadda waa uu oggolaanayaa. Waxaasoo dhan soo dhaaf, maxaa laysku haystaa. Dawladdii Daahir Rayaale ayaa waxa ay bilawday wax u baahnaa in laga diido, oo danyartu ay ka dagaalami lahayd oo ah. In Golihii Murtida iyo Madadaalada ee Hargeysa qof laga iibiyo, in Dhulkii Hindiyalaynka la odhan jiray maalqabeenno laga iibiyo, in xaruntii taraafikada ganacsade laga iibiyo. Iyadoo sidaa loo wado ayey dawladdani timi. Danyarta reer Somaliland ayaa u hiiliyey in uu Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kursiga ku soo fadhiisto. Danyartii maanta faramadhnaan bay ka joogtaa xukuumaddii ay wax ka filaysay, laakiin weli indhahoodoo shan ah ayaa la bixiyaa dhulkii danta guud. Waxa taa ka sii daran Laydhka Hargeysa waxa lagu wareejiyey ganacsadayaal. Waxa aynu ogayn sidii la doonay in ganacsade ama ganacsadayaal gacanta loo geliyo wershaddii sibidhka. Waxa ay maanta soo gaadhay Haamihii Shidaalka ee Berbera ee shalay lagu farxay markii laga soo wareejiyey qoladii gacanta ku haysay. Haddaba waxa la wareejinayo, maxaa ku jaban haddii la wareejiyo oo dad maamuli kara, dawladdana cashuurta siiya loo dhiibo?. Siyaasadda adduunka waa laba uun. Danyar koris iyo Deni kalkaal. Danyar koris waxa ay u sii kala baxdaa laba jaad. 1. Garabka bidix ee fog iyo garabka bidix ee dhow aan sii macneeyo waa Hantiwadaaggii Ruushka iyo Hantiwadaaggii Faransiiska. Waa marka aynu eegayno habka bani’aadamku helay ee isku maamulo. 2. Deni kalkaal fog iyo mid mid soke. Haddaan sii iftiimiyo waa Hantigoosadkii hore ee Q-19aad iyo Hantigoosadka imminka uu Maraykanku ku dhaqmo. Adduunyada ay danyartu ku badantahay waxa ay markasta u codeeyaan Danyar koriska ama garabka bidix. Sababtoo ah haddii Deni kalkaalku ama dadka maalqabeenka ahi kuu taliyaan, waxa cagta la saaraa danyarta. Waa sidee sida ay u kala dhaqmaan? Dawladda danyarta korinaysa, waa in ay qaramaysaa ilaha dhaqaale ee waaweyn. Waa in ay gacanta ugu haysaa dadka oo loo sinnaadaa. Xoolaha ka soo baxa ilaha dhaqaale ee waaweyn ayey dawladdu ku samaysaa caafimaadka, Dugsiyada, jidadka iyo adeegyada waaweyn ee dadku u baahanyahay. Haddii lagu wareejiyo ilahaas dhaqaale dad maalqabeen ah, waxa dhacaysa in ay samaysanto laba dabaqadood oo aan lahayn meel dhexe. Labadaas dabaqadood waa ay kala tagaan, oo isuma soo dhawaadaan. Waana Danyar iyo Deni dhergay. Ka faqiirka ahi waa uu sii faqiiraa, ka maalqabeenka ahina waa uu sii taajiraa. Halka maanta dawladda Somaliland oo ay ahayd in ay danyarta ilaaliso ugu haliilayso in ay gacanta inoo geliso maalqabeenno ay hubaal tahay inay sii taajiraan boqollaal jeer. Labadaa jid ee aan tibaaxay waa laba mabda’a oo caan ka ah dunida. Waxaana lagu kala gartaa, midna lahaanshaha gaarka ah ayuu taageeraa ka kalena lahaanshaha guud ayuu ilaaliyaa. Waxa aanay ku xidhantahay kolba dadku sida ay u badan yihiin bay doortaan. Feedhkii dhacay ceeb buu ahaa iyo muu ahayn waxa ka wayn arrinta keentay oo si weyn u iftiintay. Waxaanay u baahantahay in si mug leh loo sii iftiimiyo qaabka maanta dawladda Somaliland ay dooratay oo ah Hantigoosi ama garabka midig. Waxa laga rabaa xisbiyada mucaaradka ahi maanta in ay caddeeyaan garabka ay raacayaan. Danyar koris mise Deni kalkaal?

Ilaahay baa weyn qofkii aaminaa awood leh.

Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Iswidhan/ 15-09-2015 Salaasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here