Magaca Wiil Soomaaliyeed Oo Sababeeyey Ku Biiritaanka Kooxda Daacish Oo Uu Taageersan Yahay

0
448

Magaca Wiil Soomaaliyeed Oo Sababeeyey Ku Biiritaanka Kooxda Daacish Oo Uu Taageersan Yahay

Hargeysa:(warsugannews)-Sakariye Yuusuf Cabdiraxmaan oo ah Soomaali 20 sanno jir ah, ayaa qirtay inuu doonayay inuu inta u safro dalka Suuriya uu ku biiro dagaalyahanada kooxda Daacish ee ka jira wadamada Suuriya iyo Ciraaq.Sakariye waxaa uu ka hor sheegay guddiga maxkamada qaadaysay dacwadiisa inuu asaga iyo 8 ruux oo kale oo Soomaali u badan inay dhowr jeer ka wada hadleen wadadii ay Suuriya u mari lahaayeen iyo sida ugu fudud ee xataa dhaqaalo loogu ururin karo Daacish. Muwaadinkaan Soomaaliga ah ee Maraykanka ku nool waxaa uu xusay in inta badan kulamadii ay uga arrinsanayeen wadadii ay Daacish ugu biiri lahaayeen ay ka dhaceen masaajido makhaayado iyo meelaha lagu kulmo waxaana uu intaa ku daray in markii la qabanayay uu u diyaarsanaa inuu Turkiga u safro oo halkaas Syria kaga sii gudbo. Fikirka ah inuu Daacish ku biiro waxaa uu sheegay inuu ku dhashay sanadkii hore ee 2014 markaas uu daawaday muuqalo lagu tarjumay Af-Ingiriis oo baraha bulshada lasoo dhigay kuwaasoo ay ka muuqanayeen dhibaato uu dadka Muslimka ah u geysanayo M/weynaha Syria Bishar Al-Asad. Waxaa uu garsoorka maxkamada Sakariye u sheegay inuu daawaday dad da’a ah dumar iyo caruur Muslimiin ah oo dhiig baxaya una baahan taageerada walaalahood Muslimiinta ah sida aniga oo kale. Yusuf-Abdurahman-Terror-suspect1-338x450Sakariye Yuusuf Hooyadii oo la yidhaahdo Ayaan Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegtay inay aad uga murugootay marka ay maqashay wiilkeeda oo qiranaya inuu doonayay inuu Daacish ku biiro hase ahaatee waxay eeda dusha ka saartay dad ay ku sheegtay inay caruurta ku shubaan afkaaraha ururada hubeysan ee xag jirka ah. Inkastoo gudoonka maxkamada dhagaysanaysay kiiska muwaadinkaan Sakariye Yuusuf Cabdiraxmaan lagu magacaabo ay go’aan qaadan haddana waxaa uu wajihi doonaa ugu yaraan 15 sanno oo xadhig ah. Dhalinyaro aan tiro yareyn oo Soomaali ah kana kala tagay wadamo badan oo rag iyo dumarba leh ayaa hadda u dagaalama ururka Daacish qaarkoodna waaba ay ku naf waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here