DEG DEG: Maxaa Saaka ka Cusub Magaalada Gaalkacyo ?

0
467

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay saakay tahay mid kacsan waxaana magaalada Gaalkacyo lagu arkaaya ciidamo aad u farabadan oo ay soo dhoobeen maamulada Puntland iyo Galmudug.
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiyaGalbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.
Waxgaradka iyo Culimada gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan ku yeeshaan Suuqa Magaalada Gaalkacyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si weyn uga xun tahay colaada ka dhaxeysa maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed lagu amray in ay kala dhex galaan labada maamul.
Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.