DEG DEG: Mid Kamid ah Odoyaasha 135 Ee Ka Yimid Somaliland Oo Lagu Xirey Muqdisho

0
295

waaxa qorey yaasir br

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahana kuwa Nabad sugidda ayaa xabsi u taxaabay sida la sheegay Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed Buraale oo kamid ah waxgaradkii soo xulay xildhibaannada Federaalka ee 135-ta oday ah.
Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Km-4 ayaa ciidankaan ugu galeen, waxaana la sheegay iney halkaasi ka kaxeysteen, iyadoo illaa hadda meel ay la aadeen aan la ogeyn.
Mid kamid ah waxgaradkii la joogey Suldaanka ayaa inoo sheegay in xarigan uu ka dambeeyo wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye kadib markii ay isaga iyo Suldaanka ku murmeen Liiska ergada doorashada.
Suldaanka la xirey ayaa kasoo jeeda beesha Isaaq, Habar Jeclo.