Degaanka Qoriley Oo Mar Kale Dagaal Ka Qarxay

0
380

Degaanka Qoriley Oo Mar Kale Dagaal Ka Qarxay

Laascaanood (Warsugannews) Dagaal culus ayaa saaka subaxnimadii hore ka bilaabmay deegaanka qoriley oo ka tirsan gobolka Sool,kaasi oo u dhexeeya dad shacab ah iyo maamulka Puntland oo dagaalka soo qaaday.

Guddoomiyaha gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide ayaa xaqiijiyay dagaalkan sheegayna inuu wali socdo mana kala cada khasaaraha ka dhashay “saaka subaxnimadii hore ayaa ciidamo ka socda Puntland ayaa weerar xooggan ka soo qaaday magaalada qorilay oo ay ku noolayeen dad shacaba oo reer Somaliland ah, dagaalkasina ilaa iminka waa socdaa,” ayuu ku yidhi badhasaabka Sool bartiisa Facebook.

Dagaalladan ayaa ku soo noqnoqday deegaanka qoriley ee gobolka sool,iyadoo deegaankaasi ay ku sugan yihiin guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada iyo wefti uu hogaaminayo. Waxaa sidoo kale degaammada Qoriley ku dhaw jooga cutubyo ciidanka qaranka Somaliland ka tirsan.

Deegaankan ayaa ka tirsan soohdinta Somaliland wallow aanay wali tallaabo qaadin. Qoriley ayaa 70Km koonfur bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Maamulka heer gobo lee Sool ayaa dhawaan sheegay in maamulka Puntland qayb ka noqday colaad soo jiitantay oo u dhexaysay beelo wada degan aagga Qoriley, islamarkaana uu beel ka mid ah soo raacay, waxaana dhawaan halkaasi lagu dilay 14 qof kadib weerar la sheegay in ciidamo Puntland ah oo kaashanaya maleeshiyo beeleed weerareen shacab reer Somaliland ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here