Xadhiga Xidigaha Geeska: W/Q: Wariye Sabri

0
416

Xadhiga Xidigaha Geeska: W/Q: Wariye Sabri

Soomaalinimadu guud ahaan iyo gaar ahaanba waa dhalan, waa loo dhashaa, waa loo dhaqdaa, waa loo dhintaa, waa hidde haybad badan oo mudan in lagu faano, Magaca soomaali waxaa wadaaga kuna abtirsada bulsho Diin,Dhaqan, Af, iyo midab, wadaagta.

Soomaalidaasi si guud waxay u degen yihiin geeska afrika , shan dal oo ku yaal
Gobolka geeska afrika ayay kula baahsan yihiin , sida Somaliland ,Somalia, Djabuuti, kenya, iyo Ethopia, inkastoo aanay sharci iyo calantoona wadaajin kaddana meesha kamay bixin, dadnimadii iyo walaaltinimadii guud, Sidoo kalena waa bulsho isku xidhiidhisa Xidid,Xigaal,iyo weliba Gacaltooyo gundheer kuna dhisan isjacayl . Siyaasaddu waxay gundhig u tahay dhismaha dal iyo dad.
Jawkarka hadba umadda hagayaa ee bulshada hogaaminaya ayaa buddhiga habka loo xumeeyo ama loo hagaajiyo xidhiidhka san ee laba dal oo jaar ah ka dhexeeya,
Qaddiyadda somaliland waa qaranimadda shan iyo labaatan jirsatay
Gaddeeduna waa gar sharciya oo aan sahal ku ilduufayn , siyaasadu waxay leedahay xad iyo xuduud ay ku sargoyso. Wax kasta oo suurta gelinayaa danaha iyo mabaadiida guud ee qaran leeyay .
Siyaasadda sharci ee dalka somaliland Sifaheeda guud markaad suurayso waxaad dareemaysaa in ay ku dhisantahay “hab-odhaaheed furan” oo aanay lahayn xayndaab lagu ilaaliyo , hanaanka sharci ee dalka, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa qayba bulsho ee dalka , Hargaysa iyo muqdisho xeer kii laba dawladood iyo xuduudbaa ka dhexeeya siyaasaduna wey ukala xidhantahay, Hayeeshee waxaa jira waxyaabo badan oo aanay suurto gal ahayn in lakala sooco, ama lakala saafo, oo aan lakala qalikarin, lana kala saarikarin, waxaana kow ka ah fanka iyo suugaanta Hooballada xidigaha geesku waxay door firfircoon kaga jiraan ama ay horseed kayihiin dib unoolayd fanka soomaalida,
Qof iyo qofaf ku abtirsada fanka iyo suugaanta waa la xidhikara lkn haddii layska xidho iyagoo aan jabin xeer sharciya oo dalku leeyay, ayaamo ayay xabsiga ku jiraan ama bilo ama sannado lakiin waxaa hubaal ah in ay ka faa’iidaan xadhiga iyo xabsiga , darajadii iyo maqaamkii ay bulshada dhexdeeda ku lahaayeen , waxaanay lama filaan ku hantaan dalacaad ka timaada bulshada.
Abwaan xasan saleebaan dhuxul ‘laab saalax’ oo ah gadhwadeenka kooxdan xidigaha geeska sidoo kalena ah mishiinka daara nalka ilayska badan ee ifiya qalbiga kooxdaas ayaa si taxader leh oo anshax iyo asluubaysan warbaahinta ugu sheegay in xadhiga afarta fanaan loo maray marin ka baydhsan sharciga dhaqdhaqaaqa muwaadinka.
Guud ahaan kooxda xidigaha geeska oo ay qayb ka yihiin afartan fanaan ,dal ahaan waa Somaliland sida runtu tahayna waxay aamin sanyihiin jiritaanka dalkooda iyo ilaalinta sharafta dadkooda,
Asal koodu waa soomaali, Af-koodu waa soomaali, Fankooduna soomaali oo dhanbuu ka dhexeeyaa.Ka jabuuti jooga, ka jigjiga jooga, Ka Gaarisa jooga, ka Hargaysa jooga, iyo ka muqdisho jooga.
Markaa maxaa diidaya inay xamar ka soo heesaan

W/Q: Abdisatar sabri
Burco/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here