Degaanno Gobolka Saaxil Ah Oo Dad Cudurka Jadeecada Ugu Dhintay iyo Digniinta Xildhibaanno Kormeeray

0
290

Degaanno Gobolka Saaxil Ah Oo Dad Cudurka Jadeecada Ugu Dhintay iyo Digniinta Xildhibaanno Kormeeray

Berbera(Warsugan) Xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka Berbera iyo dhakhaatiirta gobolkaasi ayaa sheegay in cudurka Jadeecadu ka dilaacay degaanno ka tirsan gobolka Saaxil, gaar ahaana dhulka xeebta(Gubanka). Waxay sheegeen in loo baahan yahay ka hor tag lagu sameeyo xanuunkaasi iyo abaaro degaanka ka jira.

Socdaal ay ku soo mareen degaannada Xagal, Laasciidle iyo degaanno ku dhaw waxay ku sheegeen inay xaqiijiyeen jiritaanka xanuunka, islamarkaana ay jiraan dad u dhintay, kuwo u jiifa iyo qaar ka ladnaaday.Waxay cusbitaalka Berbera soo gaadhsiiyeen dad xanuunkaasi qaba, waxaanay dhalliil u jeediyeen masuuliyiinta gobolka Saaxil ee wasaaradda Caafimaadka oo ay sheegeen in markii warbixinta cudurka la siiyay ay iclaamiyeen inaanay waxba ka jirin wararka cudurkaasi.

“Dadka dhintay waa afar qof. Saddex waa shan jir iyo wixii ka hooseeya, midna waa gabadh 25 jir ah. dhimashadu intaas bay maraysaa. Waxaa ayaan darro ah, in qof bahda caafimaadka ka mid ah oo qayladhaanta la soo gaadhsiiyay, oo warbixinta la siiyay isagoon gaadhin degaankii xanuunku ka jiray bixiyay warbixin ah inaanu jirin wax cudur ahi,” ayaa ka mid ahaa hadallada Xildhibaannada
Mid ka mid ah dhakhaatiirta Berbera ayaa sheegay in loo baahan yahay ko hor tag tallaal in lagu sameeyo cudurkaasi oo ah kuwa faafa“Xannuunadan feerasku keeno waa kuwo laga hor tagi karo, waa kuwo tallaal lagaga hor tagi karo. Waa kuwo faafi kara oo dhul badan gaadhi kara, haddana meelo badan nalooga soo sheegayo. Waxaan indhahayga ku soo arkay dad badan oo jadeecadu ku dhacday oo ka ladnaaday iyo kuwo u dhintay, waxaanan sidaa warbixintoodii.”
Xigasho Wargeyska Warsugan