Salaadiinta Gobolka Hawd “ Kursiga Guddoomiyaha WADDANI Na Siiyay Waanu Ka Guddoonnay..”

0
371

Salaadiinta Gobolka Hawd “ Kursiga Guddoomiyaha WADDANI Na Siiyay Waanu Ka Guddoonnay..”

Hargeysa(Warsugan) Salaadiinta beesha Arab, ayaa sheegay inay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uga mahadcelinayaan kursiga guddoomiyaha xisbigaasi oo uu siiyay beeshaasi. Waxay sheegeen inay talo badan ka yeelan doonaan kursigaasi kadib markii guddoomiye Cirro sheegay inuu bulshada degaannadaasi siiyay kursigaasi.

Xisbiga Waddani ayaa dhawaan balaadhiyay kuraasta hoggaanka xisbiga, waxaana la kala saaray musharaxa xisbiga iyo guddoomiyaha, halka la sameeyay jagada hoggaamiyaha oo aan wali la fahmin. Guddoomiye Cirro ayaa sheegay inaanay wax saamayn ah isku yeelan doonin jagooyinkaasi, islamarkaana xeerka xisbigu kala xadayn doono saddexda jago. Hoggaamiyaha ayaa la siiyay wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, halka guddoomiyaha loo hadal hayo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo gobolka Hawd ka soo jeeda.
“Dhawaaqa guddoomiyaha Waddani aad baanu u soo dhaweynaynaa, aad baanu u hambalyaynaynaa, waxaynu arki jiray Afrikaan marka uu Kursi helo ku dheganaada uun laakiin, waa waddo cusub oo uu furay markii uu yidhi ‘anigu kursigaygii bixiyaye kuraasta ka kaca, oo waliba reerkaas baan u hibaynayaaye’ waxaanu leenahay waanu kaa guddoonay waanan kugu hambalyaynaynaa,” ayuu yidhi suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdillaahi, ayaa isna sheegay in kursigaasi laga yeelan doono talo qabiil maaddaama loo bixiyay hab qabiil “ Maaddaama aad anagoo olole u galin aad go’aansatay inaad reerkaas ku wareejiso guddoomiyaha xisbiga, waanu kaaga mahadcelinaynaa. Maaddaama oo aad qabiil siisay, qabiil ahaan baanu kaaga mahadcelinaynaa, waxay noqon doontaa arrin aanu adiga iyo waxgaradka beeshaadaba iska aragno oo aynu wax cad kala qoranno oo aan bakhtiyaal nasiib ahayn.Aad iyo aad baanu kuugu mahadcelnaynaa maaddaama aad na xurmaysay,” ayuu yidhi Suldaan Xuseen.

Xigasho Wargeyska Warsugan