Wasiiro Xukumadda Ka Tirsan Oo Wajaale Ka Dhagax Dhigay Jid Isku Xidhaya Somaliland iyo Itoobiya

0
330

Wasiiro Xukumadda Ka Tirsan Oo Wajaale Ka Dhagax Dhigay Jid Isku Xidhaya Somaliland iyo Itoobiya

Wajaale(Warsugan) Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), wasiirka Caddaaladda Axmed Faarax Cadarre iyo masuuliyiinta gobolka Gabiley, ayaa wada jir u dhagax dhigay Jid laami ah oo dhexmara magaalada Wajaale. Jidkan ayaa isku xidhaya 2Km oo ka dhinnaa jidka Kalabaydh Wajaale iyo xuduudka Itoobiya.Waxaa lagu tilmaamay mid wax weyn ka taraya magaalada Wajaale oo uu sii dhexmarayo.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegay inuu raagay jidkan balse hadda la dhammaystiri doono “Waxaynu dhagax dhigaynaa, labadii Kiilomitir ee ka dhinnaa 20-kii Kiilomitir ee ka dhinnaa jidka Wajaale iyo Kalabaydh, kaas oo ah afaafka u dambeeya ee xadka Itoobiya. Waa jid muhiim ah oo magaaladana dhexmaraya, waanay raagtay waxaase hadda dardar galiyay dawladda hoose, ganacsatada iyo wasaaradda hawlaha guud oo iska kaashanaya,” ayuu yidhi wasiir Marreexaan
Wasiirka Caddaaladda ayaa isna jidkaasi ku tilmaamay mid muhiim ah “Kaliya jidkani iskuma xidhayo Itoobiya iyo Somaliland laakiin, ilaa Ceerigaabo iyo xadka Itoobiya labadaas Kiilomitir ayaa ka dhinnaa, xukumadda ayaa intaas hirgaliyay, haddii labadii Kiilomitir ee dambeeyay dhammaystiraysaana Alle ha idinku asturo,” ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kalena masuuliyiinta gobolka Gabiley iyo kuwa degmada Wajaale, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qayb qaataa qaadhaanka lagu dhisayo jidkaasi oo ay sheegeen inuu kor u qaadayo bilicda magaalada, islamarkaana uu wax weyn ku kordhinayo suuqa maaddaama magaaladaasi tahay mid ganacsiga ku xeel dheer.
Xigasho Wargeyska Warsugan