Dhagax-kuurre
Waa maalinnimo hakisa ah (Khamiis) Goor sheegtuna ay cagacagaynayso abaara sideedii subaxnimo, markaasi oo aanu dhinaca galbeed uga kicitimnay magaalo weynta Hargeysa annaga oo u jeedna dhankaa iyo Dhagax-kuurre. Ujeedkayaga iyo doonistayada kama dhibcaanta ahaydna ay ku aadanayd gudashada waajibaadka ardaynimo ee barashada cilmiga dhulka (geology) Aniga oo ka mid ah ardayda jaamacadda Hargeysa ka diyaarinaysa cilmigan dhulka oo runtii ah mid aad ka dhaxli doonto khibrad,aqoon iyo waayo-aragnimo dheeraad ah waaba haddii uu Mawle kugu arsaaqo dulqaad,taxaddar iyo dadaal uu ku dheehanyahy mid ardaynimo .
Safarka kan ayay nagu wehelinayeen xoghayaha guud ee kuuliyada Sayniska ee jaamacadda Hargeysa Mr: Mustafe iyo mid kamid ah mishiinada uu ku dhaqaaqo ama dhaqaajiya kuuliyada Geologyga(cilmiga dhulka) Waa macalim Axmed Muuse. Haddaba tan iyo intii aanu jidka sii jibaaxaynay ayaad moodaysay in aan anigu aad uga duwanaa dhalintii aan ka midka ahaa, oo badiyaaba ku foognaa sheeko iyo madadaalo ay ku soo yaraynayeen amminta aanu ku jirno jidka, walow aanan ka madhnayn in aan la wadaago sheekooyinka ay wadaagayaan. Haddana aad ayaan ugu dheg-taagayay una dhugmayay bilicda dahsoon ee ku gedaaman deegaanka dabiiciga ah ee dhulkayga, si weyn ayaan ugu ashqaraaray markaan jalleecada ku dhuftay kaymo geed-gab cufan oo ku wareegsan wadada hareeraheega, geedaha inta badan ishaadu qabanaysana uu hormoodkeedu ahaa geed qodxeedka Sogsogta. Mar kaad aragto quruxda dhirta iyo dayac la’aanta haysa ayaad muusoonaysaa , walina qofka cilmiga la xidhiidha dhulka iyo dhirta baranayaa marlayba kula dareen maaha akhriste waana sida hooyo ilme dhashay .
Buuro waaweyn,taagag iska daba rogan iyo dundumooyin aad u qurxoon ayaa iyana ku soo jiidanaya, sidoo kale meesiyada xoolaha uu horseed u yahay geela ee lagu raacayo wadada dhinacyadeeda meel inyar ka durugsan ayaa iyana lahaa dareen gaar ah oo ku khushuuc gelinaya, waxaana maankaaga kusoo degdegaya abuuritaanka Allah iyo siduu makhluuqa midba cayn uu uga dhigay gaar ahaan Geela oo aad xusuusanayso sida uu Ilaahay Quraankiisa ugu tilmaamay ‘’Miyaydaan arag sidaan geela u abuurnay.” Taasi oo cibro u noqonaysa inta caqliga leh.
Beeraha uu gaadhigu bartanka u kala qaybinayay muuqooda cagaaran ayaan aad ugu indho doogsanayay inkastoo ay waddanka dhinaciisa galbeed abaaro ba’ani ka taagnaayeen . Hadda ayaa roobka bilowgiisii ka da’ay oo dhirta ay suugaanaysneed, hawo macaan oo ka gedisan tan aan magaalada gudaheeda ku nuugayay ayaa ka dhacaysay hareerahayga taas oo aan aad ugu raaxeeystay udugeeda fiican.
Markaanu soo gaadhnay tuulada Caabudla’ oo qiyaastii 20km u jirta bar bilowgii safarkayaga, welina uu dareenkaygu aad ula dhacsanyahay daymada toolmoon ee deegaanka, hamuumyo ba’anna ay iga hayso inaan si aad ah u dhawaaqo kuna war geliyo wadaha baabuurka inuu hakiyo gaadhiga aanu fuushanayn , ayaan ku war helay inuu gaadhigiiba ka degay laamida uu kabaabiga u saarnaa isaga oo una leexday dhinaca waqooyiga ee Dhagax-kuurre .
Halkakan ayay ka bilaabantay waddo raf ah, siigo yarina ka dhacayso, markaanu waxoogaa dhex mushaaxaynay ayaanu taayirada saarnay meel aan ujeedkayagii ahayn, kadib markaanu warsanay nin deegaanka ah inuu na tilmaamo isna si lama filaan ah noo majarahabaabiyay, laakiin nasiib wanaag ayaanu dib ugu soo laabannay wadadii saxda ahayd ee loo marayay Dhagax-kuurre.
Waqti aad u kooban kadib ayaanu soo gaadhnay illinka laga galo deegaanka dhagax-kuurre, annaga oo ka degin baabuurkan fuushanayn ayaanu carqalad yar kala kulannay dadkii deegaanka oo wargelinay inaanu usoconno hawlo waxbarasho. Yooyootan yar kadib ayaanu ku xallinay in nin deegaanka ah nala raaciyo inkastoo damacoodu ahaa in lacag la siiyo.
Markaad aragto dadyawga kala duwan ee ku uumman deegaamadeenna iyo siday u dhaqmayaan ayaad ogaanaysaa in qaybo badan oo ka mid ah hay’adaha dawladu gaar ahaan kuwa loo xil saaray ay gabeen hankoodii. Dhagax kuurre sidaad ka dhan dhanayso magaca deegaankaba wuxuu ka samaysanyahay buuro dhagxaan dhadhaabeed sida dabaqyada laysku dul saar saaray.
Shamax,shamax,shamax dhawaaqaas ayaa dhagahaaga kusoo dhacaya markasti oo aad dhaqaaq samayso iyadoy ugu wacantahay quruurux cagaha u macaan oo daadsan.
Dhagxaanta u badan ee laga helo deegaanku waa basement rocks ( Igneous and Metamorphic rocks), dhagxaan xajmigoodu aad u weyn yihiin gaar ahaan dhagaxa ( Granite ) oo ah dhagaxa ay ku qotomaan badiba buurahani.
Marka lagu qiyaaso miqyaaska taariikheed ee geologyga waxa la odhan karaa dhagxaantani waxay samaysmeen ( Neoproterozoic era) oo udhiganta taariikh ahaan 1 billion sanno ka hor.
Metamorphic rockska ayaa iyana weheliya Dhagxaanta uu Allah ku mannaystay deegaankan gaar ahaan Schist,Quartzite iyo Amphibolites.
Buurahani sidoo kale waxay caan ku yihiin aasaar dabiici ah sawiro iyo muuqaalo qurxoon oo ay ku xardheen dadkii ku noolaa dhulkan mudo aad u fog ka hor.
W/Q; Nimcaan Ismaaciil ( colhaye)
Junior student of Geology
University of Hargeisa