Salaadiinta Iyo Cuqaasha Somaliland, Waxaa Loo Doortay Masuulna Ay Ka Yiihiin Inay Had Iyo Goor Ka Shaqeeyaan Nabadaynta

0
504

Salaadiinta Iyo Cuqaasha Somaliland, Waxaa Loo Doortay Masuulna Ay Ka Yiihiin Inay Had Iyo Goor Ka Shaqeeyaan Nabadaynta

Salaadiinta Iyo Cuqaasha Somaliland, Waxaa Loo Doortay Masuulna Ay Ka Yiihiin Inay Had Iyo Goor Ka Shaqeeyaan Nabadaynta, , Isku Soo Dhaweeynta Beelaha Ay Wax Kala Gaadhaan, Isku Soo Dhaweeynta Beelaha , Xalinta Khilaafaadka Beelaha Iyo Marka Ay Is Qabtaan Xisbiyadda Mucaaridka Gudahoodu Iyo Xukumadaba

Waxaan maanta iyo kalifay in aan hadlo anigoon saxaafadda horfadhiisan ama ka hadal.

Waxaan rabaa inaanka hadlo laba arrimood oo ay beryahan saxaafada Somaliland ka hadlaysay kuwaas oo kala ha : doorka ay salaadiinta Somaliland ay ku leeyihiin qaranka iyo arrinta haamaha shidaalka ee bererba, haddaan ka hadlo qodobkayga koowaad ee ahayd doorka ay salaadiinta ku leeyihiin qaranka , salaadiinta iyo cuqaasha Somaliland, waxaa loo doortay masuulna ay ka yiihiin inay had iyo goor ka shaqeeyaan nabadaynta, , isku soo dhaweeynta beelaha ay wax kala gaadhaan, isku soo dhaweeynta beelaha , xalinta khilaafaadka beelaha iyo marka ay is qabtaan xisbiyadda mucaaridka gudahoodu iyo xukumadaba, qodobka labaad oo ah wareejinta haamaha shidaalka, hadaba waxaynu si weyn aga dheregsanahay beryahan dambe in si weyn ay isugu khilaafsan yihiin xukumadda iyo golaha wakiilada wareejinta haamaha shidaalka ee berbera . haddaan waxoogaa isdultaago haamaha shidaalka .wakhtigii marxuun maxamed xaaji ibraahin cigaal wuxuu ku wareejiyey haamaha shidaalka ee berbera shirkada total . markaa cidi kamay hadal , murana ma soo kala dhexgalin xukumaddii iyo golihii wakiiladda ee wakhtigaas , maxaa keenay inay maanta oo haamaha shidaalka lagu wareejiyinayo muwaadiniin reer Somaliland ah wadankoodana maalgashanayso lana waafajinayo dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala isla markaana uu madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu hantida qaranka iibin karo ,kirayn karo, wareejin karto marka loo baahdo .

Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay in uu soo celin karo go,aanada ay gaadhaan ama laalaan golaha baarlamku , iyadoo sidaa la ogyahay sharciguna siiyey madaxweynaha ma ah in golihii wakiiladu ay baalmaraan dastuurkii iyo xeerarkii dalka u yaalay , waxaan leeyahay salaadiinta Somaliland waar waxaynu dhamaynaa arrimo haamaha ka waaweyn sida doorashooyinkii xisbiga UDUB uu kaga shubtay kulmiye oo isagu helay kulmiye kagan tagey 80 cod halkaas oo markay dagaal gaadhay ay soo dhexgaleen 27 isugu jira salaadiin iyo boqor kuna khasbeen xisbiga kulmiye in uu dalka iyo dadka reer Somaliland u daneeyo maanta siilaanyo , ka dib wuu naga aqbalay halkaasna waxaa ka cad inuu madaxweyne siilaanyo yahay nin muwaadina jecelna dalkiisa iyo dadkiisaba inuu horumariyo , anagoo arintaas dhamaynay kuna dhamaynay hab dhaqameed ma waxaynu dhamayn kari laanahay ama xalin kari lanahay khilaafka arrinta haamaha shidaalka, waxaan leeyahay oo aanu soo jeedinayaa salaadiinta reer somaliland yaanaynu daawanin khilaafka soo kala dhexgalay xukumadda iyo golaha wakiilada waana arrimaha looga bahan yahay inaynu xalino ka salaadiin ahaan ee ma aha in aynu eegano ama la kala safano xukumadda iyo baarlamaanka fadhigana aynu ka kacano .

Anigoo ah suldaan nadiif saydh jibriil , waxaan maanta kaa codsanayaa inaad siideyso labada suldaan ee kala ah : 1. Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi iyo 2. Suldaan mawliid cali sabeeye , adigoo ah madaxweynihii dalka dulqaad badan leh loona bahan yahay sidii logugu yaqaanay in aad wax badan ka tanaasusho , mar labaad mudane madaxweyne waxaan kaa codsanayaa inaad xoriyadoodii u soo celiso labadaa madax dhaqameed

Suldaaan Nadiif Saydh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here