Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxa

0
321

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxa

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, laamaha dibadda iyo dhammaanba taageerayaasha xisbiga Waddani ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, ayaa waxa uu hambalyo iyo boggaadin uu u dirayaa dhammaanba umadda Islaamka ah, gaar ahaan Shacabka Somaliland, goleyaasha Qaranka, Xisbiyada, Ganacsatada iyo Culimo aw-Diinka, isaga oo ugu hambalyeynaaya munaasibadda ciidal Adxa awgeed.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaa sida oo kale uu leeyahay shacabka reer Somaliland Ciidal Caafiya, Ciidal Caafiya, Ciid Mubaarak, Kullu-Caam Wa-Antum Bil-Khayr , isaga oo Illaahayna uga baryey in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo, horumar , caafimaad iyo sida oo kale in ay beesha caalamka ka helaan Ictiraaf dhammaystiran. Waxa kale oo uu Eebe caafimaad taam ah u weydiiyey dhammaanba inta xanuunsanaysa isaga oo u rajeeyey in Alle uu ka dulqaado xanuunkoodaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu Eebe uga baryeyaa umadda Islaamka ah in uu intii Soomanayd uu ka aqbalo acmaasha suuban, intii Xajtay ee buurta Carafa taagnayd-na uu ducadooda ka ajiibo. Amiin Amiin.

Kullu-Caam Wa-Antum Bil-Kheyr

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here