DHAGAYSO: Galmudug oo sifo yaab leh ka bixisay Madaxda Puntland, si adagna ugu jawaabtay

0
497

Maamulka Galmudug ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeyntii ay Puntland soo saartay ee ku saabsaneyn in ciidamada dowladda Federaalka ay la safan yihiin kuwa Galmudug dagaalka Gaalkacyo.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda Maamulka Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay in Puntland ay caadeystay hadallo xaqiiqada ka fog iyo been abuur inay ka sheegto Gaalkacyo.
Wuxuu sheegay in madaxda Puntland ay ku fashilmeen Siyaasadda oo ay khaldayaan Shacabka Puntland iyo Beesha Caalamka, hadalllada kasoo baxayna aanay ahayn kuwo dad caafimaad qaba ay ku hadlaan, sida uu hadalka u dhigay.