War Dag Dag Ah:- Wasiirkii Diinta Iyo Awqaafta Iyo Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye Ka Tirsan Oo Shil Gaadhi ku dhaawacmay Mar dhawayd

0
423

War Dag Dag Ah:- Wasiirkii Diinta Iyo Awqaafta Iyo Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye Ka Tirsan Oo Shil Gaadhi ku dhaawacmay Mar dhawayd

Hargaysa(WSN) Waxa goor dhawayd shil gaadhi ku dhaawacmay Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga kulmiye iyo xukuumada.
Shilkan gaadhi oo ka dhacay deegaanka biyo shiinaha oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada hargaysa ayaa waxa ku dhawaac may wasiirka diinta iyo aw qaafta Somaliland sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, xog-hayaha guud xisbiga kulmiye xasan siciid yuusuf, siyaasi maxamed axmed Caalin (Tiinbaro) oo ka tirsan xisbiga kulmiye iyo Direwalkii gaadhiga Waday.
Masuuliyiinta oo ka mid ahaa wafti uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland oo kormeer ku soo maray deegaanada laga soo wado mashruuca biyo balaadhinta caasimada hargaysa ayaa dhaawacoodu yahay mid fudud.

Shebekada warsugannews oo goobjoog ahayd markii gaadhigu dhacay, idin soo gudbin doona muuqaalo la duubay markii gaadhigu dhacay isagoo gaadhigu laba jeer is rogay ka dibna dib ugu istaagay afarta taayir, sababta gadoonka keentay ayaa ahayd markii gaadhigu ku soo beegmay meel daad mareen ah oo biyuhu qaleen balse waxa markaasi ku xidhnayd siigo derewalka u qarisay godkaasi, nasiib wanaagse dhaawaca masuuliyiinta ayaa ah mid saxlan oo sida uu gaadhigu u burburay aanay iyagu qabin dhaawac buuran oo markaasi ka muuqday guudkooda, balse xoghaye xasan siciid iyo wasiir khaliil ayaa ah laba masuul ee jugta culisi soo gaadhay wallow ay hada ku jiraan xaalad wanaagsan.

dsc_0262-copy

dsc_0263-copy

dsc_0264-copy

dsc_0265-copy

dsc_0266-copy

dsc_0267-copy
Warsuganmedia@gmail.com
Warsugan15@gmail.com
www.warsugannews.com
Hargeysa/Somaliland Office