DHAQAN-XUMADA SIYAASADEED EE KA HILAACDAY GABIILAY. FARIIN KU SOCOTOA: MUJ BOOBE, EX-WASIIR SAMAALE, EX-WASIIR TIMACADE IYO COL. MUUSE BIIXI

0
355

Magaalo-joog xumida waxa ka mid ah suuqa oo lagu tufo ama lagu KAAJO. Dhaqan- xumida-siyaasdeedna waxa ka mid ah Martida & Madaxda oo KAB lagu salaamo ama astaamaha qaranka oo Ey & Dameero lagu xidho. Madaxwayne Siilaanyo Reer Gabiilay waxay ku soo dhaweeyeen KAB; Calanka Kulmiye kabaha ay ku masaxeen, Calanka UDUB & WADDANI waxay ku xidheen EY. Waa ficilo iyo dhaqan u gaar noqday “Gabiilay “ , oo aan lala wadaagin” Exclusive Gabilay Culture”. Shacabka Somaliland waa shacab nadiifah oo xarago iyo wanaag jecel, laakinse way isku daydaan. Waxa dhici doonta in dhaqankaasi ku fido Gobolada kale ee Somaliland.. Madaxda & martida waxa lagu soo dhawayn doona KABO , astaamaha qarankana waxa lagu xardhi doona EY & DAMEERO .Waxa la gudboon siyaasiyiinta , Aqoonyahanka , Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Reer Gabiilay inay raali gelin siiyaan Madaxwaynaha, Madaxda axsaabta Qaranka,iyo dhamaan bulshada Somaliland. Waa inay si wadajir ah u bilaabaan wacyi gelin . Xukumada Somaliland waa inay soo saarto shuruuc lagu xakeemyo fidinta cudurka “ Viruska “ dhaqan xumida siyaaseed ee ka hilaacay Gabilay. Haddii kale, isku dayasho ayaa ka dhalan karta , cawaaqib xumana way ku reebi doonta sharafta iyo karaamadda shacbka Somaliland, iyo geedi socodka dhaqanka suuban ee dimuqraadiyadda.
Waa bilaahi towfiiq.
Drs. Hoodo Yusuf , UK.
yhoodo