Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga iyo Waxgaradka iyo Waayeelka ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Jaamac Saadleh Cilmi oo Laascaanood ku geeriyooday

0
574

TACSI MADAXWEYNE – 04/12/2015
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Waayeelka, Waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Garaadada, salaadiinta, qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum Jaamac Saadleh Cilmi oo ku geeriyooday Laascaanood.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay oday dhaqameed doormuhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha somaliland wada dega, waxaanu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Garaadada, salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.