Dhawaaq Gudeedka Taban (Inner negative voice) W/Q: Xamse Tudhaale

0
403

Ma maqashaa cod kaa dhex hadlaya oo kaa joojinaya dhammaan hawlaha wanaagsan? Ma ku faraa in aad mararka qaar iskaga fogaato ehelkaaga iyo asxaabtaada? Ma kuu sheegaa in aanad waxba qaban Karin oo aad diciif tahay? Ma dareentaa in aad ka duwantahay dadka?

XAMSE TUDHAALE
Talaabo kasta oo aad isku daydo in aad qaado ma jiraa cod kaa joojinaya oo ku leh “ Ma qaban kartid”?

Ma iska saniftaa dadka qaar oo ma ka saartaa noloshaada iyaga oo aan waxba kugu samayn?

Waa Maxay Dhawaaq gudeedka Tabani?

Dhawaaq gudeedka tabani waa cod gudeed, kaas oo ah mid ku lidi ah oo burubrinaya nafaheena iyo horumarkeena, sidoo kalena inagu diraya asxaabteena ama se dadka inagu xeeran. Codkani waxa uu ku sumaysmaa maskaxda qofka, kaas oo noqda hab fikir taban oo saamayn wayn ku yeelan kara noloshaada iyo hab dhaqankaagaba.

Codkani waxa uu kuula hadlaya hab aad adigu maqlayso uun, waxaana uu la doodayaa naftaada, isaga oo ka joojinaya dhammaan waxa danta u ah oo dhan. Sidoo kale codkani qofka waxa uu ka dhigaa mid u dhaqma si taban oo wax walba ka arka dhanka xun, niyad jab, kalsooni darro iyo hoosayn ayuuna u sababaa codkani qofka uu haleelo.

Maxaa sababa dhawaaq gudeedkan taban?

Dhawaaq gudeedkan tabani maaha mid aynu ku dhalano se waxa sababa dhibaatooyin nololeed oo uu hore ula kulmay qofku markii uu yaraa, sida Khilaafaad qoys oo uu ilmaha yari ku soo dhex barbaaray, hadalo taban oo uu waalidku mar walba u adeegsan jiray ilmaha sida: ( Waxaad tahay doqon, waxba ma garanaysid, IWM) dhibaatooyinkan iyo kalmadahan inagaga iman kara xaga qoysku waxay qayb laxaad leh ka qaataan in uu qofka ku dhex samaysmo hab-fikirkan codka ah ee baabiiya mustaqbalka qofka, kaas oo ku soo baxa waqtiga qaan-gaadhnimada.

Hanaan dheer ayuu soo maraa si uu codkani u samaysmo waxaana uu soo qaataa sannaddo badan oo ka mid ah koriinka hore ee qofka. Sidoo kale waxa sababi kara inuu codkani samaysmo asxaabta ku xeeran qofku marka uu yaryahay oo yaraysta awoodiisa kuna jees-jeesa siiba, marka lagu jiro heerka wax barasho ee dugsiga hoose ilaa dhexe.

Mararka qaarkood waxa dhacda in qofkii oo ku soo koray nolol wanaagsan, si fiicana loo soo koriyay marka uu waynaado inuu ku samaysmo codkani, sababo la xidhiidha dhibaatooyin soo wajahay; sida guul darrooyin soo waajahay qofka, dhaqaale darro wayn, xidhiidh guur ama se mid jacayl oo uu qofku ku guul daraystay iyo isku buuq ka dhashay culays shaqo ama se fikir.

Sidee ayuu codkani inoo saamayn karaa?

Codkan gudeed waa cadow gudaheena ku nool, kaas oo saamayn kara dhinac kasta oo nolosheena ah. Sida Kalsoonideena, sida aynu nafteena u aragno, xidhiidhka aynu la samayno dadka inagu xeeran, shaqooyinkeena, waxbarashadeena iyo dhammaan yoolka aynu nolosha ka leenahayba.

Hab-fikirkan ama se codkan tabani waxa uu hoos u dhigaa dareenkeena iyo aragtideena toggan (wanaagsan) ee aynu nafteena iyo nolosheenaba ka qabno, waxaanu inagu hogaamiyaa is canaanasho badan oo aan sixid lahayn, niyad jab, liidnimo, caajis, madax xanuun, baqasho, hoosayn, go’aan jilayc iyo joogtayn la’aan iyo aaminaad la’aan. Taas oo sababta inaynu nolosha quus ka istaagno si kasta oo aynu u haysano fursado; waxaana uu nolosha inaga tusaa dhinaca madoow.

Waxyaalaha uu codkani dadka ugu sheekeeyo:

Haddii aynu ka soo qaadano tusaaleyaal guud kalmadaha uu codkani adeegsado waxa ka mid ah:

“ waxba ma tihid, lamana tartami kartid qayrkaa”

“ awood uma lihid in aad wax qabato”

“ dadka lama mid tihid oo waad ka liidataa”

“ culayskan ku saaran iskama caabiyi kartid”

“ dhibaatadan ku haysata awood uma lihid in aad xalliso”

“ waligaa guulaysan maysid”

“ waa lagu necebyahay, cidna kuma rabto”

“ waxba haysku dayin haddii kale waa lagula yaabi”

“ dadku waa wada khiyaamolayaal, cidna ha aaminin ee kaligaa iska nooloow”

“ dadkii wanaagsanaa Aduunyada way ka dhammaadeen ee cidna hala saaxiibin”

“ cidna ha u naxariisan haddii kale waa lagu dhaawici”

“Qof xun ayaad tahay”

Kuwan iyo kalmado kale oo uu codkani adeegsado ayaa jira, si uu hoos ugu dhigo qofka.

Sidee layskaga dawayn karaa dhawaaq gudeedkan taban?

Dhib kasta oo ka jirta Aduunyada Illaahay (S.W.T) waxa uu abuuray xalkeedii, ha ka warwarin waliga in ay jirto dhib bilaa xal ahi.

Si aad isaga dawayso oo aad uga guulaysato codkan taban waxa aad u baahantahay in aad qaado talaabooyinkan kuwaas oo ah kuwo ku anfici kara:

1: Fahan macnaha guud ee nolosha: In aad fahanto macnaha ama se ujeedada ugu wayn ee Aduunyada laguu keenay waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto qof aan u nuglaan waayaha Aduun ee ku xeeran, samir, dulqaad iyo ficil wanaagsana ku waajaha, maadaama ay noloshu tahay mid aan lagu waarayn.

Illaahay ayaa Quraankiisa ku yidhi:

“يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ إِنَّ للَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ”

[البقرة: 153]

“ Kuwii Iimaanka laga helayoow kaalmaysta sabir iyo salaad Illaahay waxa uu la jiraa kuwa sabree” Surat Al-Baqara

2: Codkani marka uu wax kaa joojinayo maaha mid kuu cadaynayaa sababta, waxa uu adeegsadaa daliilo diciifa oo aad burin karto haddii aad soo baadho, mar kasta oo uu ku yidhaahdo sidaas same ama se ma samayn kartid, ku celi su’aal ah sababee? Iskuna day in aad ka fikirto dhinacyo kala duwan, adiga oo eegaya maslaxadda noloshaada iyo dhibaatada ama se wanaaga uu kuu horseedi kari ficilkaasi.

3: Ogsoonoow mar walba inuu cadow kugu yahay codkani oo aanu ku farayn wax kuu dan ah, ogoow inuu jiro cod kale oo togan oo kaa difaaci kara isla codkan haddii uu xooganaado.

4: Ha gaadhin go’aan degdeg ah: codkani waxa uu kugu kalifayaa in aad gaadho go’aan degdeg ah si uu kaaga guulaysto kuuna seejiyo fursado badan, isaga oo kaa indho tiraya xaqiiqooyinka dhabta ah ee kugu xeeran.

5: Ka warqab naftaada: in aad ka warqabto naftaadu waxay kuu saamaxaysaa in aad ogaato waqtiga uu codkani kula hadlayo iyo waqtiyada kale ee aad gaadhi karto go’aanka saxda ah.

6: U shaqee caksiga codkan: Maadaama uu codkani yahay mid ka hor imanaya dantaada shaqsiyeed iyo waxyaalaha kuu wanaagsan waa in aad u shaqaysaa caksiga waxa uu ku faro.

7: Baro hab aad naftaada u dajin kartid marka aad isku buuqsantahay, waayo dhibaatada ugu wayni waxay ka timaadaa go’aano aynu qaadano inaga oo aan maskaxda soo marin, taas oo uu ka faa’idaysto isla codkani.

8: Qor dhammaan hadafyadaada: inaad lahaato buug aad ku qorto hadafyadaada iyo dhammaan qaab nololeedkaagu waxay kuu saamayxaysaa in aad ka adkaato codkan oo aad noqoto qof ka gudba carqaladaha.

9: Samayso saaxiib kuu dhaw oo aad kala tashato arimahaaga: in aad lahaato saaxiib kuu dhaw oo aad is aamintaan waxay kuu sahlaysaa inuu kaa yaraado codkani.

10: Dhagayso codka togan (wanaagsan) ee kula hadlaya kaas oo ah mid naaqus ah marka aad ku jirto xaaladan, shaki ha gelin talaabo kasta oo wanaagsan oo aad qaadayso, iskuna day in aad falanqayso dhinacyo badana ka eegto.

11: Salaadahaaga ka dhig kuwo khushuuc leh si uu qalbigaagu u dago, sidoo kalena Illaahay ka bari inuu qalbigaaga ka masaxo.

12: Maadaama uu yahay codkani mid ay qaadatay muddo in uu samaysmo kaas oo soo maray xaalado kala duwan, waxa aad u baahantahay in aad badasho hab fikirkaaga deetana aad samaysato caadooyin wanaagsan oo ku anfcaya, taasina waxay qaadanaysaa waqti ee waxay kaaga baahantahay samirkeeda iyo joogtaynteeda.

Dhibaatadani maanta waxa ay haysataa, oo ay hankoodii iyo himiladoodiiba ka hor istaagtay; dhallinyaro badan oo horumar gaadhi lahayd, waana dhibaato aan la dareensanayn una suxul duuban yihiin dhallinyaro badani se aanay dareensanayn.

Mobile: 0634410163
Facebook: https://www.facebook.com/Hamze.kuuriya
Email: xamze@tudhaale.org
Tixraac: http://www.psychalive.org/critical-inner-voice/