Madal Lagu Taageerayo Musharaxa Dorashada G/wakiilada Cali Rooble Xirsi Oo Ka Qabsoontay Hargeysa

0
594

Madal Lagu Taageerayo Musharaxa Dorashada G/wakiilada Cali Rooble Xirsi Oo Ka Qabsoontay Hargeysa

 


Hargeysa(Warsugannews)Madal lagu taageerayay musharaxnimada Cali rooble xirsi ee doorashada golaha wakiiladda somaliland ee la filayo in ay ka qabsoonto sanadka fooda inagu soo haya 2017. ayaa taageero loogu muujiyay musharax cali rooble xirsi .xafladan ayaa ka qabsoontay Fish & Steak House Hargeisa, Somaliland
madashan oo aheyd hadhimo sharafeed ay ka soo qeyb galeen beelaha ciise muuse galbeed ayaa waxaa aad loogu soo dhaweeyay musharaxnimada cali rooble.
halkaana waxaa hadalo ka soo jeediyay madax dhaqameedyada iyo cuqaasha adan ciise iyo abokor ciise. waxaana ku wahelinayay xildhibaano dhaqaatiir iyo indheer garadka beesha ciise muuse galbeed.
ugu horeyna waxaa halkaa hadal mahadnaqa ka soo jeediyay cheif caaqil jaamac caare oo u mahdceliyay cuqaasha iyo indeergaradka halkaa iskugu yimid ,waxaa uu cheif caaqil jaamac caare kaga hadlay u jeedada madashan ku kulmisay dadkan kuna booriyay in taageero mugle loomuujiyo musharaxa utaagan golaha wakiiladda doorashada food inagu soo haysa.

Photo0068
waxaa kale oo halkaa hadal mugle ka soo jeediyay caaqilka guud ee ciise muuse cheif caaqil Ax,ed caaqil-yare waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; “mahadnaqdabadeed waxaan filayaa maanta aanu dareemnay in wadajirka iyo wax wada qabsigu leeyahay muqaalafo fiican waxaanan ma had balaadhan u soo jeedinayaa beesha maxamuud jibriil isku duubnida ay muujiyeen hadii ay musharax karti iyo aqoonle ay soo diyaariyeen cali rooble waa nin u qalma in codka aanu siino muwaafaqada ay beeshiisu muujisayna waa in ay kaga daydaan beelaha kale cid macquulana ay soo sharaxdaan, anaguna waan idin aqbalnay beelaha kalena sida aad u tashateen waa in ay u tashadaan”
waxaa lakale oo halkaa hadalo muhiim ah ka jeediyay caaqilada kala ha caaqil ax,ed maxamed warsame caaqil maxamed cabdi jaamac aqoonyahan cabdi mareykan oo sheegay in uu yahay musharax muhiin cali rooble xirsi waxaanan ku boorinayaa in aanu dhamaantayo u fidino taageero la,xaadle,waxaa kale oo halkaa hadal ka daba qaatay Dr-cumar shuceyb oo halkaa uga soo jeediyay hadalo dardaaran ah oo ku wajana in uu dulqaad u yeesho carqaladah ka hoyimaada inta uu doorashada ku jiro waxa kale oo uu Dr-cumar shucayb hoosta ka xariiqay in kursigaa g/maroodi jeex uu yahay mid mihiim ah.

Photo0063
Dr-idiris xaaji nuur oo hadal kooban ka soo jeediyay iyo waayihiisii uu ka guntay doorashadii golaha deegaanka oo aanu ku soo bixin ayaa halkaa isgana hadl ka jeediyay oo ka waramay waaya aragnimadiisii doorashadii uu isku soo taagay.

Photo0062
guntii iyo gaabagabadii waxaa isagana halkaa hadalo dhaxal gal ah ka soo jeediyay odeyga ugu tunka dheer beelaha ciise muuse galbeed xaaji muuse xirsi abokor (muuse dalab) waxaa uu sheegay in cali rooble oo maanta utaagan doorashada g/laha wakiiladda aan kalidii lagu eegin oo ay beeshu xooga saartaa wixii qarash ah ee uu uga baahdo,garab maaliyadeedna aanu dareemin waxii garab ahna aan beelahayagan kalena aawixii garab ah aanu idinku raacsanahay waa sida uu xaaji muuse yidhi.

Photo0058
waxaa ugu danbeen sooxidhay faxladaa hadhimada ah musharax cali rooble xirsi oo muujiyay hankiisa iyo himiladiisa waxa uuna sheegay musharax cali rooble hadii uu ku guuleeyo eebe in aanu noqon doonin nin ka seexda deegaanadii laga soo doortay marwalbana tabashadooda ka dareen celiya waxaanu mahadnaq u soo jeediyay cuqaashii iyo odayadii indeergaradkii xildhibaanadii ka soo qeyb galay xafaladaa waxa kale oo uu mahad gaara usoo jeediyay cidii ka qeyb qaadatay in uu qabsoomo xafladaa taageerada loogu muujinayay.

Photo0075

Photo0080

Photo0072

Photo0059

jjj

Photo0061